Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ay ka dhalatay cadaadisyo siyaasadeed iyo diidmo xooggan oo ku aaddan hannaanka doorashooyinka Hirshabelle.
Dhallinyarada ku dhaqan magaaladaasi ayaa isku dayaya in ay muujiyaan inaanan Dowlad Goboleedka Hirshabelle laga rabin Beledweyne iyo guud ahaanba Gobolka Hiiraan.
Beledweyne ayaa gashay xaalad fowdo ah, ka dib doorashadii isku sidkaneyd ee Arbacadii laga qabtay goobo aad u xaddidan oo magaaladaasi ah, iyadoo daba socoto khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya musharaxnimada Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo doonaya in mar labaad uu ku soo laabto xafiiska, halka odayaasha iyo siyaasyiinta reer Hiiraan ay ka soo horjeedaan.
Goobaha codbixinta kooban ee toddobaadkii hore laga furay magaalada ayaa waxaa barbar socday dibadbaxyo ay dhigayeen dadka deegaanka, oo intooda badan qaadacay doorashadaasi.
Siyaasiyiinta iyo odayaasha gobolka oo si adag uga horyimid in Cali Guudlaawe dib loogu doorto xilka ayaa ku doodaya in hannaanka hadda loo maray doorashada aysan ahayn mid xalaal ah oo heshiis lagu yahay.
Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay’adaha ammaanka ayaa maanta xabsiga u taxaabay dhallinyaro lagu eedeeyay in ay abaabulayeen bannaanbax ballaaran.
Dowladda Federaalka ayaa toddobaadkii hore ciidamo fara-badan oo kuwa militariga ah gaysay magaaladaasi, si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga.
Villa Somalia ayaa taageereysa dib-u-doorashada Madaxweyne Cali Guudlaawe, tallaabadan oo dadka deegaanka ay u arkaan mid xadgudub ku ah heshiiskii siyaasadeed ee ilaalinayay in shacabka labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe) ay dareemaan in ay metelaad dhab ah ku leeyihiin maamulka.
Iskusoo wada-duuboo xiisadda ka jirta Beledweyne ayaa sababtay hoos u dhac ku yimid dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee magaalada, waxayna ganacsatadu sheegeen inuu yaraaday wax kala iibsigii suuqyada, oo la macno ah inuu gaabis noqday socodkii dadka ee suuqyada amaba uu yaraaday xiriirkii ganacsatada iyo macaamiisha.