Home Wararka Maanta Gabar maalmo la la’aa oo meydkeeda laga helay Baydhabo

Gabar maalmo la la’aa oo meydkeeda laga helay Baydhabo

by Laacib

Gabadhan oo da’deeda lagu sheegay shan jir ayaa galabta meydkeeda laga helay Magaalada Baydhabo, ka dib muddo 48 saacadood ah oo qoyskeeda ay weysanaayeen.

Gabadhan oo lagu magacabayay Ikhlaas Ibraahim Amiin ayaa meydkeeda laga helay xaafadda Xaqsoor ama Xaqsoor Village, oo ah xaafad cusub oo horaantii sanadkan dhismaheeda laga bilaabay Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay gaareen goobta, isla-markaana ay meydka Ikhlaas u gudbiyeen Isbitaal Goboleedka Baay, si baaritaan loogu sameeyo sababta ay u geeriyootay.

Ibraahim Maxamed Amiin oo adeerkii uu dhalay gabadhaasi ayaa inoo sheegay “Gabadhan waxaa la waayay 2-dii duhurnimo ee maalintii Arbacada, waxaana galabta casirkii meydkeeda laga helay meel MCH ah ama goob caafimaad oo ku dhegan gurigooda. Qoyskeeda waxay ka mid ahaayeen qoysaska barakacayaasha ee degan Magaalada Baydhabo ee bishii July la dejiyay guryaha cusub ee laga dhisay laanta Xaqsoor Village oo ka tirsan xaafadda Wadajir.”

Ibraahim Maxamed ayaa sheegay inay jiraan calaamado muujinaya in gabadhaasi ay u geeriyootay jirdil iyo xarig cunaha looga ceejiyay.

Sarkaal ka tirsan Booliska Baydhabo ayaa Universaltv u sheegay in labadii maalmood ee u dambeysay ay ku howlanaayeen baadigoobka gabadhaasi, ka dib markii qoyskeeda ay la soo wadaageen maqnaanshaheeda.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan ayaa xusay in falkaasi ay u soo xireen wiil iyo laba gabar, isagoo intaasi ku daray in wiilku uu waardiye ka ahaa goobta laga helay meydka gabadha.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa saamayn qoto dheer ku yeelatay dareenka dadka deegaanka, kuwaas oo si weyn u hadal haya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc