Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo culeys ku haya laamaha amniga, kiis Ikhlaas Ibraahim awgiis

Aadan Madoobe oo culeys ku haya laamaha amniga, kiis Ikhlaas Ibraahim awgiis

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu hay’adaha ammaanka faray inaysan ka seexan, sidii qoyska Ikhlaas Ibraahim Amiin ay caddaalad u heli lahaayeen.

Ikhlaas Ibraahim oo shan jir ahayd ayaa galabta meydkeeda laga helay xaafadda Xaqsoor ee Magaalada Baydhabo, ka dib markii qoyskeeda ay Arbacadii ku kadsoomeen maqnaanshaheeda.

Wararka ayaa sheegaya in gabadhaasi meydkeeda laga helay goob caafimaad ama MCH ku dhegan hoygooda, iyadoo ay ka muuqdaan calaamado muujinaya in xarig lagu ceejiyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Booliska Baydhabo ay saddex qof u soo xireen kiiskeeda, kuwaas oo laba ka mid ah ay gabdho yihiin iyo nin dhallinyaro ah, oo sida la sheegay waardiye ka ahaa goobta laga helay meydka gabadhaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu culeys ku saarayo Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda inay soo afjaraan baaritaanka caddeymaha la xiriira dilka la tuhunsan yahay in loo gaystay Ikhlaas Ibraahim.

Sarkaal ka tirsan Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa Universaltv u sheegay in Aadan Madoobe uu doonayo in si degdeg ah loo helo xog dhab ah iyo haddii ay jiraan cid falkaasi gaysatay, si aanu baaritaanka u jiitamin.

Sarkaal kale oo ka tirsan Booliska Baydhabo ayaa sheegay in Madaxtooyadu ay riixeyso in maxkamad la horkeeno dadkii ka dambeeyay falka, si qoyska iyo ehelada dhibanaha ay u helaan qanaaco sharci.

Qoyska Ikhlaas waxay ka mid ahaayeen qoysas barakacayaal ah oo bishii July dib-u-dejin loogu sameeyay guryo cusub oo laga dhisay xaafadda Xaqsoor.

Ibraahim Maxamed Amiin oo adeerkii uu dhalay gabadhaasi ayaa sheegay inay maamulka ka doonayaan caddaalad.

Waa dhacdo xanuun badan, waxayna shacabka Baydhabo iyo guud ahaan dadkii baraha bulshada kala socday raadinta Ikhlaas ay ku reebtay naxdin iyo tiiraanyo, markii la xaqiijiyay geerideeda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc