Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa isku diyaarinaya inay 30-ka bishan doorasho qof iyo cod ah ka qabtaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xilli xaaladda Gobolka Hiiraan ay kacsan tahay.
Dowladda Federaalka ayaa riixeysa in doorashada ay waqtigeeda ku qabsoomto, xilli khilaaf iyo kacdoon siyaasadeed oo xoogan uu ka jiro mid ka mid ah labada gobol ee Hirshabelle.
Bannaanbax ballaaran oo lagu diidan yahay maamulka iyo doorashada madaxtinimada Hirshabelle ayaa Khamiistii ruxay Magaalada Beledweyne. Siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka dadka gobolka ayaa ka soo horjeeda musharaxnimada iyo dib-u-doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyagoo ku doodaya in aysan doorashadaasi ahayn mid loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay.
Xildhibaanada laga soo doorto Gobolka Hiiraan oo dibadbaxayaasha kula hadlay Beledweyne ayaa ku baaqay in la tixgeliyo tabashada ay qabaan dadka deegaanka, isla-markaana aan la marin habaabin aayahooda siyaasadeed.
Siyaasiyiinta iyo odayaasha gobolka ayaa dalbanaya in laga heshiiyo amaba is bedel lagu sameeyo hoggaanka sare ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, halka Villa Somalia ay ka shaqeynayso in doorashada loo sii wado, sida uu qorshuhu yahay.
Magaalada Jowhar iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka socda qaban-qaabo loogu diyaargaroobayo maalinta codbixinta oo ku beegan Arbacada, halka jewi ka duwan uu ka jiro bariga Gobolka Hiiraan.
Xuseen Sheekh Maxamuud, Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo iyo wafdi uu horkacayo ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray Magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in safarkooda uu la xiriiro dardargelinta ololaha doorashada. Xuseen Sheekh ayaa dadka reer Hirshabelle kuwooda qaatay kaarka codbixinta ugu baaqay inay maalinta doorashada soo baxaan, isla-markaana ay codkooda siiyaan xubnaha ka sharaxan JSP.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in hoggaanka bulshada ee reer Hiiraan ay si weyn uga soo horjeedaan in doorasho laga qabto gobolka, iyadoo aan marka hore la gaarin heshiis siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.
Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo ku sugan Beledweyne ayaa ku adkeysanaya in aan wax doorasho ahi laga qaban karin gobolkaasi, iyadoo aan la helin is afgarad dhex mara dhinacyada isku haya siyaasadda Hirshabelle.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in siyaasiyiinta iyo odayaasha ku sugan Beledweyne ay qorsheynayaan in ay soo bandhigaan cudud ciidan, oo ay ugu talagaleen in lagaga hortago doorashada lagu kala qaybsan yahay.
Tani ayaa khatar gelin karta in doorasho nabdoon oo xasilloon laga qabto Degmooyinka Gobolka Hiiraan ee horey loo sheegay inay doorashadu ka dhaceyso.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in doorashadan si isku sidkan loogu tartami doono Kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka iyo kuwa Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Hirshabelle.