Home Wararka Maanta Hirshabelle oo yeelaneysa caasimad cusub

Hirshabelle oo yeelaneysa caasimad cusub

by Laacib

Hoggaamiye Kuxigeenka Hirshabelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in Magaalada Jowhar laga wareejinayo Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in Caasimadda Hirshabelle loo rarayo Gobolka Hiiraan, isagoo aan carab dhabin magaalada rasmiga ah ee laga dhigayo.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqayo inay caasimaddii soo aadday buu yiri Gobolkan Hiiraan.

“Waxaad ogaatiin maanta in lagu go’aaminayo oo Madaxweynaha Somaliya uu ku dhawaaqayo inay caasimaddii soo aadday Gobolkan Hiiraan.” Ayuu yiri Cabdifitaax Xasan Afrax oo maanta ciidamo Macawiisley ah kula hadlayay Magaalada Beledweyne.

“Dowladnimada Hirshabelle dhawaan idinka ayay marti idiin noqoneysaa, idinka ayay idiinka rabtaa inaad si gob ah ku soo dhaweysiin, wax kastana waxaa ugu fiican dowladnimada.” Ayuu yiri Cabdifitaax Xasan.

Cabdifitaax Xasan ayaa intaasi ku daray “Waxaan u malaynayaan meeshaan dadka jooga ciidan ayay u badan yihiin boqolkiiba sagaashan (90%) iyo ka badan. Ciidankaas waxaan go’aamiyay oo madaxda sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ugu sarreyo uu go’aansaday in bilowga hore kun askari oo ka mid ah ragga halkan joogo in mushaarkoodii loo bilaabo, qaarna xalay ayaan siinaa u malaynaa, inta ka dhimana haddaa la siinayaa oo waan amray lacagtaas.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc