Home Wararka Maanta Ugaaska Beesha Xawaadle oo bixiyay amar dhabar jebinaya Dowladda Somaliya

Ugaaska Beesha Xawaadle oo bixiyay amar dhabar jebinaya Dowladda Somaliya

by Laacib

Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa soo saaray amar adag oo taariikhi ah, isagoo dhammaan ciidamada ka soo jeeda beeshaasi ama u dhashay Gobolka Hiiraan faray inay si degdeg ah uga soo baxaan furimaha dagaalka ee ay kaga sugan yihiin dalka.

Go’aankan oo saqdii dhexe ee xalay uu ku dhawaaqay ayaa daba socdo, xilli ay cirka isku shareertay xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne, halkaas oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan ciidamada dadka deegaanka ee Macawiisley iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa ka digay dad uu sheegay inay wataan dhar dowladeed ay duulaan ku soo yihiin Gobolka Hiiraan, isagoona dadka deegaanka ugu baaqay inay difaacdaan jiritaankooda.

Ugaaska ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Beledweyne iyo guud ahaanba dadka reer Hiiraan ugu baaqay inay ka hortaggaan duulaanka uu sheegay in lagu soo yahay gobolka.

“Waxaan rabaa berri qof kasta oo Xawaadle ah ama reer Hiiraan ah meesha aan deganahay inuu yimaado, asagoo diyaar u ah dalkiisa iyo dadkiisa inuu difaaco.” Ayuu yiri Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo warkan ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

“Waxaan farriin u dirayaa Ciidamada Xoogga Dalka inay ka gaabsadaan arrinta Hiiraan, ninkii u soo bareero oo yimaado wuxuu ka helo asagay u taallaa.” Ayuu yiri Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Ugaas Yuusuf ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaan kaloo farriin u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka ee Beesha Xawaadle ku jiro ama reer Hiiraan, anigoo Ugaaskoodii ah meesha aan joogo waa Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Degmada Beledweyne meel alla meeshii ay joogaan inay ka soo baxaan ay i soo garab istaagaan oo yimaadaan gobolkooda. Dowladda hadda jirta waqtigeedii waa dhamaaday, meel loo dhintana ma jirto.”

Amarkan uu bixiyay Ugaas Yuusuf ayaa culeys weyn ku noqonaya Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo wajahaya ciidan yari, isla-markaana aan u diyaarsaneyn in la buuxiyo goob kasta oo si aan lagu sii talagelin looga soo baxo.

Gobolka Hiiraan oo kale, cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaanka u dhashay ayaa ku sugan difaacyada ay militariga ku leeyihiin bariga gobolkaasi, haddii la soo faarujiyana waxay khatar gelineysaa amniga dalka, bacdamaa ay Al Shabaab si dhib la’aan ah dib ugu qabsan karto goobihii horey looga saaray.

Go’aanka uu ku dhawaaqay Ugaas Yuusuf ayaa sidoo kale caqabad ku noqonaya qorshihii uu talisku ugu diyaargaroobayay inay Ciidamada Qalabka Sida la wareegaan saldhigyada ay banneynayaan Ciidanka Midowga Afrika ee Hawlgalka AUSSOM.

Waa go’aankii ugu qaraaraa ee masiiri ah ee uu ku dhawaaqo mid ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc