Home Wararka Maanta Cabdifitaax Xasan Afrax oo dadka reer Hiiraan ugu baaqay nabad iyo wada hadal

Cabdifitaax Xasan Afrax oo dadka reer Hiiraan ugu baaqay nabad iyo wada hadal

by Laacib

Hoggaamiye Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Beledweyne, isagoona dadka reer Hiiraan ugu baaqay nabad iyo wada hadal.

Hoggaamiye Kuxigeenka Hirshabelle ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif, xilli xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu diidan yahay Dowlad Goboleedka Hirshabelle ay ka jiraan Beledweyne.

“Waxaan u imid waxaa waaye in bulshada reer Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne aan arko aragtidooda guud iyo tooda gaar ahaaneedba. Waxaan rabaa inaan arko tol aan qanciyo ama i qanciyo ayagu.” Ayuu yiri Cabdifitaax Xasan Afrax oo Wariyeyaasha kula hadlay Beledweyne.

Waxa uu dadka deegaanka ugu baaqay wada hadal, isagoo hoosta ka xariiqay in Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle ay labaduba diyaar u yihiin inay xalliyaan wax kastoo tabasho ah oo dadka deegaanka ay qabaan.

“Adduunyada lagama shaqeeyo cunfi iyo dhibaato, waddanku waa naga dhexeeyaa, waa waddan aan leenahay, dagaal iyo dhibaato ma rabno, ummaddeenna inaan samatabixinaa rabnaa, wax alaala iyo wixii la tabanaayana Dowladda Somaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle diyaar ayay u yihiin inay xalliyaan.” Ayuu yiri Cabdifitaax Xasan.

Farriinta uu Ina Afrax gaarsiiyay dadka reer Hiiraan ayaa muujineysa in Villa Somalia ay ahmiyadda koowaad siineyso danta dadka deegaanka.

Lama oga in odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka ee ka horyimid doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Hirshabelle ay aqbali doonaan wada hadalka iyo in kale. Kooxdan ayaa horey u sheegtay inay Beledweyne ka dhisayaan maamul ka madaxbannaan kan Jowhar.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc