Home Wararka Maanta General Ibraahim Maxamed oo kormeeray xarumo ku yaala Baraawe (SAWIRRO)

General Ibraahim Maxamed oo kormeeray xarumo ku yaala Baraawe (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kormeeray dhowr xarumood oo ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, sida lagu sheegay war uu galabta talisku soo saaray.

Taliyaha oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warka lagu sheegay inuu booqday isbitaalka Guud ee Baraawe, Saldhigga Booliska, Xarunta Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Madaxtooyada iyo Suuqa Weyn ee magaalada.

Warka ayaa lagu sheegay in Taliyaha iyo Saraakiisha kaleba ay si guud ugu kuurgaleen xaaladaha amniga, adeegyada bulshada iyo habsami-u-socodka shaqada xarumahaasi.

“Intii uu kormeerku socday, Taliyaha ayaa sidoo kale la kulmay shacabka ku dhaqan magaalada, isagoo dhageystay aragtidooda, cabashooyinkooda iyo talooyinkooda ku aaddan xaaladda guud ee magaalada iyo amniga.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaasi ku daray “Sidoo kale, Taliyaha ayaa booqday saldhigga ay ku sugan yihiin Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee u xilsaaran difaaca xeebaha dalka, halkaas oo uu kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda, isagoo warbixin ka dhageystay Saraakiisha, kuna bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan ilaalinta xeebaha, badqabka shacabka iyo sugidda amniga qaranka.”

Taliyaha Militariga ayaa Isniintii gaaray Baraawe, si uu u kormeero ciidamo cusub oo Dowladda Federaalka ay gaysay halkaasi.

Ciidamadan ayaa loogu talagalay inay la wareegaan amniga magaalada, iyagoo bedelaya Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM) ee dhowr iyo tobanka sano ku sugnaa magaaladaasi, haddana bilaabay inay ka baxaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc