Home Dhacdooyin Xuutiyiinta oo mar kale shacabka Israel ku khasbay in ay lugta furtaan

Xuutiyiinta oo mar kale shacabka Israel ku khasbay in ay lugta furtaan

by Laacib

Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaa gantaalo ku weeraray gudaha Israel, wax yar uun ka dib, markii diyaaradaha dagaalka Israel ay waaberigii hore ee Isniintan ay garaaceen goobo ku yaala dalka Yemen.

Seeriga dhawaqa digniinaha ee duulaanka hawada ayaa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah Israel, iyadoona dadku ay bilaabeen inay ku xaroodaan goobaha gabaadka ee laga hirgeliyay dhulka hoostiisa, si loo yareeyo khasaaraha rayidka.

Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in laba gantaal oo ballaastik ah lagu soo weeraray israel, ka gadaal duqayntii ay saaka ka fuliyeen dalkaasi Yemen.

Militarigu ma sheegin, haddii gantaaladaasi ay ka horaggeen iyo haddii ay ku soo dhaceen dhulka Israel, toona.

Gantaalada ka soo dhacay jihada Yemen ayaa shacabka Israel ku khasbay in ay si dhakhsa ah uga soo baxaan guryahooda, iyagoo cagaha wax dayayaana ay beegsadeen goobaha gabaadka ee amniga.

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa wacad ku maray in Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen aanay gacmaha la laaban doonin, waxa uu ku sheegay weerarka gardarrada ah ee uga yimid Sahyuuniyadda iyo xasuuqa ay ka wadaan Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa mar sii horreysay sheegay in Ciidanka Cirka Israel ay weerareen Dekedaha Hudaydah, Ras Isa & Salif iyo weliba warshada korontada ee Ras Kanatib oo ka mid ah kaabeyaasha Xuutiyiinta amaba ay iyagu maamulaan.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa qoraal ku sheegay in bartilmaameedkoodu uu ku jiro markabka ganacsiga ee Galaxy Leader, kaas oo Israel ay sheegtay in Xuutiyiinta Yemen ay u isticmaalayeen la socodka maraakiibta mareysa biyaha caalamiga ah.

Xuutiyiinta ayaa 19-kii bishii November ee sanadkii 2023 gacanta ku dhigay markabkan oo marayay Badda Cas, xilli uu ka yimid Turkiga, kuna sii jeeday dalka India.

Warka Wasiir Katz ayaa dad badani ka yaabiyay, maadaama Xuutiyiinta ay 22-kii bishii January ku dhawaaqeen in ay sii daayeen markabkaasi iyo 25 shaqaale oo la socday, ka dib codsi ay ka heleen Xamaas, si loogu xoojiyo xabad joojintii 19-kii bishaasi ka dhaqangashay Marinka Gaza.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa horey u sheegay in markabka laga leeyahay Israel ay ku sii deyn doonaan oo keliya, marka ay sidaasi Xamaas ka codsato, inta ka horreysana ay gacanta ku hayn doonaan, balse ay sii daayeen 22-kii January, ka dib codsi kaga yimid Xamaas.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Ciidamada Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa soo saaray digniin degdeg ah, oo uu ku sheegayo in kuwa ku sugan dekedaha ay Xuutiyiinta maamulaan ay isaga baxaan goobahaasi.

Afhayeenka ayaa waxa kaloo uu ku baaqay in laga baxo warshadda korontada ee Ras Kanatib ee ku taala Gobolka Hudaydah.

Wasiir Katz ayaa qoraal kale oo uu soo saaray ku sheegay “Masiirka Yemen wuxuu la mid yahay masiirka Tehran. Qof kasta oo isku daya inuu waxyeelo u gaysto Israel waa la dhibi doonnaa, qof kasta oo gacan u taago Israel-na waa laga goyn doonnaa.”

Tan iyo markii Israel ay ciidamadeeda ku duuleen Marinka Gaza ayaa waxaa gobolka ku soo badanayay isku dhacyada, taasoo xiisadda Bariga Dhexe ka dhigtay mid aad u sarreyso.

Inta uu socdo dagaalka Gaza waxaa cad in gobolku aanu ka gudbi doonin xiisadda ka taagan, iyadoo kol horeba uu dagaalku ka gudbay xuduudaha Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc