Home Wararka Maanta Dowladda oo eedeymo adag u jeedisay Madaxweynaha Jubbaland

Dowladda oo eedeymo adag u jeedisay Madaxweynaha Jubbaland

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku eedeysay in uu ka masuul yahay dagaalkii maanta ka dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Wasaaradda Amniga Somaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Dowladda Federaalka ay ka xun tahay, isla-markaana ay si adag u cambaareynayso fal dembiyeed ay sheegtay in Axmed Madoobe uu ka gaystay Beledxaawo, iyadoona Madaxweynaha Jubbaland ugu yeertay eedeysane Axmed Madoobe.

Warka ayaa lagu sheegay in ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe ay weerareen xarumo loogu adeego dadweynaha iyo Xeryaha Ciidamada Qaranka.

“Falkaan oo qayb ka ah dembiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talagal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin Xafiiska Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha iyo xeryo ay degan yihiin ciidamada amniga.” Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Amniga.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Tallaabadaan ayaa sidoo kale ahayd mid uu eedeysanuhu ku soo beegay, xilli ay dadweynaha magaalada ku mashquulsanaayeen howlmaalmeedkooda caadiga ah, taas oo muujineysa masuuliyad darro iyo in aanu wax dan ah ka lahayn badqabka dadweynaha.”

Wasaaradda Amniga ayaa warka ugu tacsiyeysay dadkii wax ku noqday dagaalkaasi, iyadoo dhinaca kalena sheegtay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in caddaaladda la marsiiyo cid kasta oo ku lug yeelata falalka ceynkani oo kale ah.

“Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida khaldan u isticmaalo eedeysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dembiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono.” Ayaa lagu yiri warka.

Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa si xun u dhaawacmay, ka dib doorashadii 25-kii bishii November ka dhacday Magaalada Kismaayo ee markii saddexaad xilka dib loogu soo doortay Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka ayaa doorashadaasi ku tilmaamtay mid sharci darro ah, waxayna Axmed Madoobe ugu yeertay hoggaamiye hore.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc