Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa caawa dib ula wareegay gacan ku haynta Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, ka dib maalmo ay magaalada kula dagaalamayeen ciidamo taabacsan Maamulka Jubbaland.
Ciidamada Jubbaland oo ay kaabayaan xoogag ka tirsan Xerta Ahlu Sunnada Gobolka Gedo ayaa 22-kii bishan dagaal ku qabsaday Xarunta Maamulka Degmada Beledxaawo, Xafiiska Hay’adda Socdaalka (Immigration-ka) iyo barro kaloo ciidan, oo Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku lahaayeen gudaha magaalada.
Ciidamada Dowladda oo ka amar qaata sarkaal lagu magacaabo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo Dowladda Federaalka ay bishan u magacawday Taliyaha Hay’adda NISA ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo ayaa dhinaca bari ka soo galay magaalada, iyagoo ka yimid Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee UK oo ku taala duleedka Beledxaawo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay si buuxda gacanta ugu dhigeen dhammaan xarumaha dowliga ah ee Beledxaawo, iyadoo kuwii horey ugu sugnaana loo maleynaya in ay magaalada uga baxeen jihada waddada aadda Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Ciidamada ayaa magaalada ku soo laabtay, iyadoo inta badan dadkii deganaa ay ku barakaceen xiisadda colaadeed ee dhawaan ka soo korortay Xarunta Ganacsiga Gobolka Gedo ee Beledxaawo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay amreen in la fasaxo isgaarsiinta shirkadaha dalka, oo Jubbaland ay hawada ka saartay toddobaadkii hore.
Cabdinaasir Aadan Faarax oo ka mid ah dadka fara ku tiriska ah ee ku haray Beledxaawo ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay yihiin kuwa hadda maamulaya Beledxaawo.
Cabdinaasir Aadan ayaa sheegay in xaaladda ay u muuqato mid degan, balse aan meesha laga saari karin in Ciidamada Jubbaland ay dib u soo rogaalcelin karaan.
Dagaalkan ayaa sababay in ay xirmaan goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, wuxuuna magaalada ugu dadka badan ee Gobolka Gedo uu ka dhigay mid haawaneysa oo cidlo ah.
Dhanka kale Cabdirashiid Janan oo caawa soo duubay muuqaal uu kula hadlayo dadka deegaanka ayaa ugu baaqay in ay is dejiyaan, isla-markaana ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.
Cabdirashiid Janan ayaa muuqaalka ku sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay xaqiijiyeen dhammaan goobihii ay gacanta ku hayeen ciidamadii kale ee ay iska soo horjeedeen ee xarumihii dowladda ahaa.
Wuxuu sheegay in dagaalka caawa ka dhacay magaalada uu ahaa mid ay ciidamadu ku xaqiijinayeen xarumihii ka maqnaa gacanta dowladda.
Janan oo horey u soo noqday Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa dadka reer Beledxaawo kaga tacsiyeeyay wixii waxyeelo ah ee ka soo gaaray dagaalkan.
Janan ayaa intaasi ku daray in Beledxaawo ay tahay magaalo xuduudda ku taala, dowladaha deriska ahna ee Itoobiya iyo Kenya uu qudhoodu dhibka dhinac ka gaaray, isla-markaana uu ka xun yahay, uuna uga tacsiyeynayo wixii dhib ah ee ka soo gaaray.
Janan ayaa sheegaya in dagaalkan uusan ahayn mid ay sababtiisu leedahay Dowladda Soomaaliyeed, balse ay sababeen dad uu ku sheegay in ay dowlad-diid yihiin.
Lama oga waxa uu masiirka Beledxaawo ku dambayn doono, xilli khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland uu sii xoogeysanayo, isla-markaana ay isku hayaan cidda maamuleysa gobolkaasi.