Home Wararka Maanta Ciidamada oo Garoonka Aadan Cadde ku qabtay daroogo la soo gelinayay dalka

Ciidamada oo Garoonka Aadan Cadde ku qabtay daroogo la soo gelinayay dalka

by Laacib

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay daroogo iyo kiniiniyo isticmaal iyo ganacsi ahaanba mamnuuc ah oo si sharci darro ah lagu soo gelinayay dalka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warsaxaafadeed uu caawa soo saaray ku sheegay in xafiiska oo kaashanaya laamaha amniga la qabtay 189 kartoon oo daroogo halis ku ah badqabka shacabka, ka hor inta aysan ka bixin garoonka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xafiisku uu wado baaritaano ku aaddan shabakadaha ku lugta leh soo gelinta daroogadan, si loo horgeeyo caddaaladda.

Warsaxaafadeedka ayaan lagu sheegin goorta la qabtay daroogadaasi, dalka laga keenay iyo haddii cid uun loo hayo falkaasi, marka laga soo tago in baaritaan uu socdo.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ku wargelinayaa shacabka Soomaaliyeed in hawlgal wadajir ah oo uu la kaashaday hay’adaha ammaanka lagu qabtay 189 baakadood (box) oo daroogo ah iyo kiniiniyo ka reeban isticmaal iyo ganacsiba oo si sharci darro ah lagu soo gelinayay dalka.

Daroogan oo ah mid halis ku ah badqabka bulshada ayaa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla-markaana lagu dhex qabtay intii aysan ka bixin garoonka. Xafiisku waxa uu wadaa baaritaano rasmi ah oo lagu ogaanayo shabakadaha ku lugta leh soo gelinta daroogadan, si gacan loogu soo dhigo, loona horkeeno caddaaladda horteeda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu adkeynayaa la dagaalanka dembiyada la xiriira daroogada, sidoo kalena digniin adag u dirayaa cid kasta oo ku howlan soo dejinta iyo ka ganacsiga sharci darrada ah, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc