Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka oo la kulmay saraakiisha & ciidamada ku sugan Ceeldheer (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo la kulmay saraakiisha & ciidamada ku sugan Ceeldheer (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in uu degmadaasi u tagey dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo qiimeynta difaacyada hore ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in safarkiisan uu ka mid yahay dadaalada lagu xaqiijinayo in dalka laga suuliyo kooxaha carqaladeynaya buu yiri nabadda, xasilloonida iyo midnimada qaranka.

“Maanta waxaan gaaray degmada Ceeldheer ee Bariga gobolka Galgaduud, anigoo ujeeddadaydu tahay dardar-gelinta hawlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo qiimeynta difaacyada hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Safarkan wuxuu ka mid yahay dadaalada qorsheysan ee lagu xaqiijinayo in la suuliyo kooxaha carqaladeynaya nabadda, xasilloonida iyo midnimada qaranka.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Taliyaha ayaa tilmaamay in uu la kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan jiidda hore, isla-markaana uu ku dhiirigeliyay in ay laba laabaan dadaalkooda iyo adkeysigooda, si Somaliya looga xoreeyo kuwa halista ku ah midnimada iyo sharafta dalka.

“Intii aan ku guda jiray kormeerka, waxaan kulamo gaar ah la yeeshay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan jiidda hore, kuwaas oo u taagan difaaca sharafta iyo jiritaanka qaranka. Waxaan ku bogaadiyay guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro cadowga, isla markaana ku dhiirigeliyay inay sii laba laabaan dadaalka iyo adkeysiga, si loo xaqiijiyo in dhul kasta oo Soomaaliyeed laga xoreeyo cadow kasta oo halis ku ah midnimada iyo sharafta dalka.” Ayuu yiri General Sahal Cabdullaahi Cumar.

Degmada Ceeldheer ayaa waxaa ku sugan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee loo abaabulay la dagaalanka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc