Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley iyo maleeshiyada Al Shabaab ayaa galabta ku dagaalamay aagga tuulada Cali Ceynte oo hoostagta deegaanka Qaayib oo ka tirsan Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamadan oo u badan Xerta Ahlu Sunna Waljameeca oo ka ambabaxay Degmada Baxdo ayuu ujeedkoodu ahaa in ay maleeshiyadaasi ka saaraan tuulada Cali Ceynte, oo sida la sheegay ay Shabaabku isku uruursanayeen.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay ka war heleen in lagu soo socdo, isla-markaana ay ciidamada uga hortaggeen bannaanka hore ee tuuladaasi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada dhinac uu dagaal fool ka fool ah ku dhex maray dhul bannaan oo halkaasi ku yaala, isla-markaana ay ciidamadu gabal-dhicii u suurtagashay in ay dib u caabiyaan Shabaabka oo ku laabtay halkii ay isku uruursanayeen.
Ciidamada ayaa la sheegaya in ay haatan ku sugan yihiin goobtii lagu dagaalamay, isla-markaana ay qorsheynayaan in ay sii wadaan hawlgalka ay maleeshiyada uga saarayaan tuulada.
Dagaalka ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan faah faahin laga hayn inta u khasaaruhu le’egyahay.
Dhowr nin oo ka mid ah Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa dhaawacooda la geeyay Degmada Baxdo oo xaaladdooda lagu la tacaalayo. Baxdo ayaa qiyaastii 90km dhinaca koonfur bari kaga beegan Magaalada Cadaado.
Baxdo ayaa ah magaalo ay ku xoogan yihiin Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, waana kuwa muddada dheer Al Shabaab ka hortaagan in ay qabsato magaaladaasi.
Shabaabka ayaa dhowr jeer weeraro kala dambeeyay ku qaaday Baxdo, iyagoo ku taamayay in ay la wareegaan, laakiin ay ku fashilmeen.
Inkasta oo Galmudug aysan Baxdo ka joojin ciidan difaaci kara, haddana xerta hubeysan ee kutubo-raaca ah ayaa ka dhiidhisay in magaalada la qabsado.
Sanadkii 2022 oo Shabaabku ay laba jeer weerareen Baxdo ayaa ku jabay dagaaladaasi, iyadoona hub looga furtay dagaaladaasi.
7-dii bishii January iyo 17-kii bishii June oo weeraradaasi ay dhaceen ayay Shabaabku meydadka uga taggeen xaafadaha Baxdo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 19-kii bishii November ee sanadkaasi booqday Baxdo, isagoo xoojinaya wejiga koowaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka oo markaasi si firfircoon uga socday deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug. Madaxweynaha ayaa culimada deegaanka ku ammaanay kuwo dadka ka wacyigeliya in waxa Shabaabku wadaan aysan diin ahayn.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa 14-kii bishii January ee sanadkii 2023 magaalada kaga qaybgalay munaasabad xadro ahayd oo ay lahayd Ahlu Sunna Waljameeca. Wasiirka ayaana xilligaasi sheegay in dadka reer Baxdo ay iftiin u yihiin jihaadka lagu la jiro, waxa uu ku sheegay Khawaarijta.
Baarlamaanka Galmudug ayaa 29-kii bishii August ee sanadkii 2022 ansixiyay degmanimada Baxdo iyo Wisil oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ay 10-kii bishii July ee sanadkaasi ay degmooyin u aqoonsatay labadaasi magaalo, iyadoo sheegeysa in ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, balse ay ahayd mid dadka deegaanka lagu abaalmarinayay dagaaladii ay la galeen maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii ay soo weerareen magaalooyinkaasi.
Shabaabka ayaa 27-kii bishii June ee sanadkii 2021 ku jabay isku daygoodii ugu weynaa, oo ay ku doonayeen in ay kula wareegaan Wisil.
Xerta Ahlu Sunna Waljameeca ee ku awoodda badan magaaladaasi ayaa jilbaha u laabatay weerarkaasi oo qaraxyo ku bilowdeen, iyagoona diiday in Shabaabku ay markii koowaad cagta soo dhigaan magaalada koonfurta Gobolka Mudug ku taala ee Wisil.