Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay wajahayaan weeraro dhinacyo badan

Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay wajahayaan weeraro dhinacyo badan

by Laacib

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtidan sheegay in Puntland ay wajaheyso weeraro badan, oo dhinacyo kala duwan kaga socda.

Madaxweynaha oo Degmada Carmo ee Gobolka Bari tababar ugu soo xiray ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Booliska Puntland ayaa ciidamadaasi u sheegay in Puntland ay u baahan tahay in si adag loo difaaco, haddii sida uu sheegay ay weeraro kala duwan ku socdaan.

Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday inuu faah faahiyo weeraradaasi iyo dhinacyada ku haya Puntland amaba ay kala kulmayaan, wuxuuse diiradda saaray in uu si adag ula dardaarmo ciidamadaasi.

“Arrimaha dalka ka jiro, ma rabo maanta halkan inaan wax ku fallanqeeyo, laakiin waxaan inta halkan fadhisa farayaa Puntland iyo deegaanadeeda difaac adag bay u baahan yihiin. Weeraro kala duwan baa dhinacyo badan kaga socda, waxaynu u baahanahay inaan midnimadeenna adkayno, isku duubnideenna inaan ilaalino, dowladnimadeenna inaan ku fara-adaygno.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Somaliya ay ku jirto waqti adag, oo sida uu yiri ay isku milmeen dowladnimadii iyo qabyaaladdii.

“Waqti adag bay Somaliya ku jirtaa oo ay isku milmeen dowladnimadii iyo qabyaaladdii. Waa wax aad iyo aad u adag, waa arrin dhib badan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Deni ayaa ciidamada cusub oo noqonaya dufcaddii 8aad ee ka baxda Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo kula dardaarmay in ay qabyaaladda maskaxdooda ka saaraan, si Puntland ay u noqoto tusaale lagu dayan karo.

“Ma doonayno inaan weligeen ahaano in dalka Somaliya burbur uu ku jiro, haddii Soomaali inteeda kale meelo ka mid ah ay duruufo ka jiraan, waxaa la rabaa meelaha ay Puntland ka mid tahay inay noqoto tusaale lagu dayan karo, oo berri ka maalin ay iyadu u noqoto hoy badbaadada dambe ee dalka.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Puntland.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Arrimaha siyaasadda ee dalka ka jira iyo guud ahaan xaaladaha is bedelka ee ka jira, dadka Soomaaliyeed siyaasad in looga sheekeeyo ma ahan. Mujtamac isaga dhan siyaasi noqday weeye, waa shiddo iyada naftigeeda.”

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa Ciidanka Booliska kula dardaarmay in ay siyaasadda ka fogaadaan, isla-markaana ay noqdaan kuwo dadka u dhaxeeya oo sharciga ilaaliya.

“Saas ayaa waxaan ku gaari karnaa horumar, deganaansho iyo waxa himilada ahayd ee dadkeenna iyo dalkeennu uu tiigsanayay, oo ah inaynu noqono dal xasillin oo degan oo dimoqraadi ah oo federaal ku dhisan.” Ayuu yiri Deni.

Deni oo siyaasadda ay ku kala fogaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu maamulkiisu sanadkanba dagaal kula jiray maleeshiyada Daacish ee ku sugan qaybo ka mida Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc