Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa waxay xaqiijisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay xalay hawlgal qorsheysan ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii ay xogtiisa heleen.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in sarkaalkan oo lagu magacaabayay Xuseen Macalin Xasan (Magaalabeen) lagu dilay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo hoostaga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in si weyn loo baadigoobayay ninkan oo in ka badan 15 sano ka tirsanaa Al Shabaab, isla-markaana uu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku nool Gobolada Gedo, Baay, Bakool, Shabellaha Hoose, Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer ayaa xalay hawlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macalin Xasan (Magaalabeen). Hawlgalkan ayaana ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool.
Dhagarqabaha la dilay oo kooxda ku jiray muddo ka badan 15 sano ayaa ahaa mid si weyn loo raadinayay Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana uu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.
Xuseen Macalin Xasan (Magaalabeen) wuxuu soo noqday:
Madaxa hawlgelinta dagaalka ee Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.
Madaxa baadda xoolaha ee Gobolka Bakool.
Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabelle iyo Hiiraan, isla-markaana wuxuu soo noqday Kuxigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah.
Dhagarqabe Xuseen ayaa ka dambeeyay dagaalo ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah dalka, isagoo qorsheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka. Dilkiisu ayaana caddeyn u ah sida ay Dowladda Federaalka Somaliya ugu go’an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta, ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa hawgalada Ciidanka Xoogga Dalka, waxayna xaqiijineysaa in hawlgalada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameedsado horjoogeyaasha kooxda meel kasta oo ay joogaan, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaranka.