Home Dhacdooyin Bannaanbax ballaaran oo ka dhacay Israel oo dhan (SAWIRRO)

Bannaanbax ballaaran oo ka dhacay Israel oo dhan (SAWIRRO)

by Laacib

Mudaaharaad ballaaran ayaa Axaddan ka dhacay Magaalooyinka Israel, iyadoo aysan Israeliyiinta ku laaban shaqooyinkooda sidii caadada ahayd, ka dib fasixii toddobaadka. Jimcaha iyo Sabtida ayaa Israel ka ah maalmo fasax ah, iyadoona Axadda ay tahay maalinta ay Israeliyiintu ka soo laabtaan fasaxa toddobaadka, kuna laabtaan shaqooyinkooda.

Mudaaharaadkan oo horey ay u codsadeen qoysaska dadkooda lagu haysto Marinka Gaza ayaa ahaa mid culeys dheeraad ah lagu saarayay dowladda uu Benjamin Netanyahu hoggaamiyo, si ay Ururka Xamaas ee Falastiin ula gasho heshiis horseedaya in maxaabiista la is dhaafsado.

Qoysaskan iyo shacabka kale ee ka niyad jabsan go’aanka 8-dii bishan ka soo baxay Golaha Wasiirada Israel ee lagu ballaarinayo dagaalka Marinka Gaza, laguna qabsanayo Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa maanta Israel oo dhan ka dhigay mudaaharaad hal maalin oo shaqo joojin ah.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay tobanaan goobood, oo ay ku jiraan afaafka hore ee guryaha Wasiirada, Xeryaha Ciidamada iyo waddooyin waaweyn oo ay xireen, waxayna taayaro ku gubeen waddooyinka qaarkood. Iskuulada, goobaha ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha ayaa qayb ka ahaa shaqo joojinta maalinta qaran.

Fannaaniinta iyo ciyaartoyda caanka ka ah Israel ayaa ku biiray mudaaharaadka lagaga soo horjeedo dagaalka Gaza, sida uu ku waramay Wargeyska Haaretz ee Israel. Sidoo kale ururada ugu waaweyn ee dhakhaatiirka, qareenada, Jaamacadda Cibraaniga (Hebrew) ee Jerusalem iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa ka qaybgalay mudaaharaadka, iyagoo taageero u muujinaya qoysaska dalbanaya in dadkooda loo soo celiyo.

“Waxaan kala xiraynaa dalka oo dhan, sababtoo ah la haysteyaasha ma ahan kuwo ay dowladdu u hureyso in la joojiyo dagaalka. Waa muwaadiniin ay tahay in dowladdu ay u ogolaato inay qoysaskooda dib ula midoobaan.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel oo hadalkiisa ku xoojiyay “Nama joojin doonaan, namana daalin doonaan. Waan sii wadaynaa dagaalka, illaa la haysteyaasha ay guryahooda ku soo laabtaan. Waxaa jiraya heshiis, dagaalkana wuu dhammaanayaa.”

Ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha diidan dagaalkan ayaa isku dhacay goobaha qaar. Booliska ayaa war ay soo saareen ku sheegay in la xiray 38 qof.

Magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv ayaa waxaa caawa isugu soo baxay dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof, waana mudaaharaadkii ugu weynaa ee ka dhaca Israel, tan iyo bishii September ee sanadkii 2024. Shacabka Israel ayaa ka carooday lix maxbuus oo 31-kii bishii August ee sanadkaasi la sheegay in lagu dilay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, xilli ciidamadu ay isku dayayeen in dadkaasi ay xoog ku soo furtaan.

“Habka keliya ee lagu soo celin karo la haysteyaasha waa in la galo heshiis halmar lagu soo sii deynayo, ciyaar la’aan.” Ayay tiri Arbel Yehoud oo ka mid ahayd maxaabiistii lagu haystay Gaza ee lagu sii daayay xabad joojintii 19-kii bishii January ka dhaqangashay Marinka Gaza, balse ay Israel jebisay 18-kii bishii March, ka dib markii ay diiday in loo gudbo wejiga labaad ee heshiiskii 15-kii January lagu gaaray dalka Qatar oo saddex wareeg ahaa.

Arbel Yehoud ayaa ka walaacsan in gacaliyaheeda Ariel Cunio uu weli gacanta ugu jiro iska caabinta Falastiiniyiinta, iyadoona bannaanbax ka dhacay Magaalada Tel Aviv ka sheegtay in la haysteyaasha ay tahay in guryahooda lagu soo celiyo.

“Cadaadiska militarigu ma keenayo in la haysteyaasha oo nool ay soo laabtaan, keliya waa dilaa.” Ayay tiri Arbel Yehoud oo intaasi ku dartay “Habka keliya ee lagu soo celin karo waa heshiis halmar ah, ciyaar la’aan.”

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa si toos ah u diiday heshiiska marka qura la isku dhaafsanayo maxaabiista, oo sida uu yiri ka horimanaya qorshaha ay meesha uga saarayaan awoodda Xamaas.

Xamaas ayaa ku gorgortameysa in la helo xabad joojin waarta oo damaanad leh oo laga sameeyo Gaza, si ay u sii wada daayaan maxaabiista ay haystaan oo dhan, iyagana loogu soo daayo kuwa lagu haysto.

“Kuwa maanta ku baaqaya in la joojiyo dagaalka, iyada oo aan laga adkaan Xamaas, keliya ma ahan inay adkeynayaan mowqifka Xamaas iyo dib u dhigista sii deynta la haysteyaasha, waxayse sidoo kale hubinayaan inay soo noqnoqoto naxdintii October 7 oo kale marar badan iyo in wiilasheenna iyo gabdhaheenna ay dagaalami doonaan mar kale iyo mar kale dagaal aan dhammaad lahayn.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.

Netanyahu ayaa yiri “Si aan horumar uga samayno sii deynta la haysteyaashayada iyo si loo hubiyo in Gaza aysan mar dambe khatar ku noqon doonin Israel, waa in aan dhamaystirno hawlgalka oo aan ka adkaano Xamaas.”

Netanyahu ayaa wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in la fuliyo go’aankii Golaha Wasiirada ee dalbanayay in Ciidanka Difaaca Israel ay qabsadaan Magaalada Gaza, taas oo ahayd sida uu yiri dhiirigelinta weeraradii Xamaas.

Dowladda Netanyahu ayaa waxay dooneysaa, haddiiba heshiis la gelayo xabad joojin ku-meel-gaar ah, iyadoona ka baxsaneysa xabad joojin dhameystiran oo lagu dhameynayo dagaalka. Netanyahu iyo kooxdiisa ayaa xabad joojinta joogtada ah u arka mid Xamaas ka caawineysa in ay Gaza sii maamusho.

Netanyahu oo ah ninka ugu dambeeyo ee leh go’aanka dagaalka ayay dhibaato ka haysataa xubnaha midigta fog ee ka tirsan Golihiisa Wasiirada ee wax ka dhisay dowladda uu madaxda ka yahay, kuwaas oo ku cadaadinaya in dagaalka la sii wado, isla-markaana la qabsado Gaza oo dhan, haddii aanu sidaasi sameyna ay ka bixi doonaan dowladda wadaagga ah ee ku dhisan isbahaysigooda, taasoo keeneysa in dowladdiisu ay burburto, dalkana laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waana sababta uu ugu khasban yahay in dagaalka la sii wado.

Netanyahu ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan dagaalka Gaza, illaa ay meesha ka saaraan Maamulka Ururka Xamaas, isla-markaana ay amniga Marinka Gaza hoos keenaan Israel.

Duulaanka cusub ee militari ee lagu qaadayo Gaza ayaa walaac xoog leh ka abuuray gudaha Israel, sababtoo ah dadka oo cabsi badan ka muujinaya in duulaankan uu khatar gelinayo nolosha maxaabiista weli nool.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc