Home Wararka Caalamka Netanyahu oo ogolaansho ka raadinaya Mohammed bin Salman, si Israel dagaalka uga qayb qaadato

Netanyahu oo ogolaansho ka raadinaya Mohammed bin Salman, si Israel dagaalka uga qayb qaadato

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa isku dayaya inuu heshiis la galo Sacuudiga, si ay gacan uga siiyaan dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Israel ay taageeradeeda militari ku xirtay shuruud ah in Sacuudigu uu ogolaado inuu caadiyeeyo amaba hagaajiyo xiriirka labada dal.

Wargeyska Haaretz oo kale ayaa daabacay in Netanyahu uu doonayo inuu adeegsado dhexdhexaadinta Mareykanka, si uu Sacuudiga uga helo ogolaansho ogolanaaya in Ciidamada Israel ay si toos ah u duqeeyaan kaabeyaasha Xuutiyiinta ee gudaha Yemen, si taasi ay u noqoto waddo loo maro aqoonsi rasmi ah iyo iskaashi dhanka amniga ah oo dhex mara labada dal.

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in Netanyahu uu ku dadaalayo in uu helo ogolaanshaha Sacuudi Carabiya, si Israel ay ugu lug yeelato fara-gelinta militari ee dalkaasi Yemen.

Wargeyska The Jerusalem Post ayaa sidoo kale qoray in Netanyahu uu shuruuddiisa uga gol leeyahay in labada dal ay yeeshaan xiriir horseedi kara in mustaqbalka la gaaro heshiis nabadeed.

Hase yeeshee Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman ayaa ka gaabsaday inuu ogolaado fara-gelinta Israel ee dagaalka, iyadoo la sheegay inuu aaminsan yahay in tallaabadaasi aysan si wanaagsan u soo dhaweyn doonin shacabka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaan marnaba aqoonsan Dowladnimada Israel, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1948-kii, wuxuuna mar kasta uu aqoonsiga Israel ku xiraa shuruud ah in la helo dowlad madaxbannaan oo Falastiiniyiinta ay leeyihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan Al-Saud ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in uusan jiri doonin xiriir caadi ah oo labada dal ay yeeshaan, iyadoo aan xal loo helin Dowladnimada Falastiin.

Riyadh ayaa waxay marar badan xaqiijisay inaan wax xiriir diblomaasiyadeed ah lala yeelin doonin Israel, illaa si rasmi ah loo aqoonsado Dowlad Falastiin ah oo madaxbannaan, iyadoo lagu saleynayo xuduudihii sanadkii 1967-kii, caasimaddeeduna tahay Bariga Qudus.

Netanyahu oo xusul-duub ugu jira, sidii uu xisbigiisa ugu guuleysan lahaa doorashada soo socoto ee la qabanayo 27-ka bishan ayaa aad ugu baahan in uu helo ogolaanshaha Mohammed bin Salman.

Ina Salman, oo ah Raysal Wasaaraha Sacuudiga, marka laga soo tago inuu yahay Amiirka taajka ayaa ogolaansho la’aantiisa ay ka hortageysaa in Israel ay hesho fursad ay ku soo gasho dagaalka ama ay uga qayb qaato dadaalada lagu ilaalinayo marinada badda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc