Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo weli booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, nabadeynta, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dib u xoreynta degmooyinka ay Khawaarijtu qabsadeen.” Ayaa lagu yiri war maanta ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu xusay “Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed iyo Madaxweynihii hore ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku saabsan muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada, iyadoo la adkeynayo dadaalada lagu xaqiijinayo xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee deegaanada Koonfur Galbeed.”
Warka ayaa intaasi ku daray “Kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wadatashiga iyo iskaashiga siyaasadeed, lana mideeyo dadaalada lagu horumarinayo dowladnimada, dib-u-heshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada.”
Xubno uu ka mid yahay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Aadan Xasan Maxamed (Osama) ayaa ka qaybgalay kulanka.
Kulankan ayaa daba socdo kulamo siyaasadeed oo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu maalmihii la soo dhaafay ka waday Caasimadda Muqdisho.
Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maamulkiisu uu wajahayo xilli adag ayaa is garabtaag siyaasadeed ka raadinaya siyaasiyiinta deegaanka.
