Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Talaadadan gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa si diiran Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Guddoonka & Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Saraakiisha Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga, Taliska Qaybta Booliska Gobolka Galgaduud iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo la yeeyan doonnaa Madaxda Galmudug iyo qaybaha bulshada, isaga oo xarigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Galmudug.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
Warka ayaa lagu sheegay “Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo uu xoogga saari doona abaabulka bulshada iyo dhiirigelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta dalka.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in uu mar kale dib boorka uga jafo hakadka ku yimid hawlgalkii Gobolada Dhexe ee lagu la dagaalamayay maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Madaxda Galmudug kala hadli doona arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa doorasho qof iyo cod ah.