Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu kordhay qiimaha lagu raaco gaadiidka rakaabka ee isugu kala goosha Baydhabo iyo Muqdisho, xilli ay xiisad amni ka jirto magaaladaasi.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa isaga baxaya magaalada, taasoo saamayn ku yeelatay qiimaha lagu raaco gaadiidka yaryar ee ka shaqeeya waddada xiriirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.
Mashquul iyo saxmad ayaa illaa Khamiistii laga dareemayay Boosteejada Aargada ee xaafadda Idaada ee laga raaco gaadiidka aada dhinaca Caasimadda Muqdisho.
Qiimaha caadiga ah ee muddo dheer ay dadku ku raaci jireen baabuurta ayaa ahaa soddon dollar ($30), halka hadda ay dadku ku raacayaan konton dollar ($50), waana koror aad u weyn oo ku dhow laba laab.
Aadan Cali Isaaq oo ka mid ah dadka deegaanka ee ka barakacay magaalada ayaa sheegay in reer Baydhabo ay farriimo cabsi gelin ah uga imanayaan maleeshiyada Al Shabaab, kuwaas oo dadka ku khasbaya buu yiri inay isaga baxaan magaalada.
“Dadka teleefanada ayaa laga soo wacayaa, qaarkoodna moobeelada ayaa farriimo loogu soo dirayaa oo la leeyahay ka baxa magaalada, ka hor inta aanan gubin.” Ayuu yiri Aadan Cali oo Universaltv la hadlay.
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in saraakiil dhan oo horey uga tirsanaa dowladda ay maanta iskaashi la leeyihiin maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay kala shaqeynayaan weerarada ka dhanka ah qaranka.
“Koley Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowladda Koonfur Galbeed ayaa la xisaabtami doona dadka waxaas sameynaya.” Ayuu yiri Aadan Madoobe oo intaa raaciyay “Tan kale walaalnimada iyo wanaagga weli managa dhammaanin, dhallinyarada la khalday waxaan uga digaynaa in la dhumiyay, ayna ka waan-toobaan, dadkoodana ay u soo noqdaan.”
Aadan Madoobe ayaa ku hanjabay in haddii dadkaasi aysan waxba ka bedelin xaaladdooda ay keeni doonto in lagu weeraro goobaha ay ku sugan yihiin.
“Dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalkaba way iska difaacayaan dadkaasi, difaac keliya ma ahanee ,meelahooda ayay ugu tagayaan weliba, haddii uu Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Baydhabo.