Home Dhacdooyin Qaramada Midoobey oo sheegtay in Israel ay waddo weerar ay ku burburineyso Magaalada Gaza

Qaramada Midoobey oo sheegtay in Israel ay waddo weerar ay ku burburineyso Magaalada Gaza

by Laacib

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay in Israel ay ballaarisay duqaymaha ay ka waddo deegaanada ku yaala waqooyiga Marinka Gaza, oo ay ku jirto Magaalada Gaza.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Israel ay qaadeyso duqaymo is daba joog ah, oo lagu bartilmaameedsanayo dhulka ay dadku ku badan yihiin.

Waxa kaloo uu sheegay duqayntu aysan ahayn mid ay gaysanayaan diyaaradaha dagaalka Israel oo qura, balse sidoo kale ciidamadeeda ku sugan deegaanada koonfurta Israel ee xadka la leh Magaalada Gaza ay madaafiic ku garaacayaan magaaladaasi.

Volker Türk ayaa war uu soo saaray ku sheegay in la burburiyay guryo ku yaala deegaanka Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo la adeegsanayo sida uu sheegay walxaha qarxa amaba miinooyin.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay sii wadaan amarada ay ku barakacinayaan dadka rayidka ah, iyagoo adeegsanaya cod baahiyeyaal iyo weliba farriimo ay ugu dirayaan teleefanadooda gacanta.

Volker Türk, Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay in ay burburin baahsan ka waddo xaafadaha la degan yahay ee Magaalada Gaza, gaar ahaan xaafadaha koonfurta iyo bariga magaaladaasi.

Dhaqdhaqaaqyada militariga ee sii socda ayuu sheegay in waxyeelo ba’an loogu gaysanayo guryaha iyo weliba meelaha ay dadka rayidka ah gabaadka ka dhiganayaan.

Mr. Türk oo soo xiganaya xogta saraakiishooda ku sugan magaalada ayaa sheegay in la garaacay teendhooyin ay deganaayeen qoysaska barakacayaasha, isla-markaana ay dad badani halkaasi ku dhinteen.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee OHCHR ayaa ka digay hawlgalka qorsheysan ee la bilaabay ee lagu burburinayo guryaha iyo kaabeyaasha rayidka ee magaaladaasi.

“Qaar ka mid ah qoysaska ayaa lagu soo waramayaa inay ku xayiran yihiin duqaymaha joogtada ah.” Ayaa lagu yiri warka OHCHR ee uu soo saaray Volker Türk.

Warka ayaa intaasi ku daraya in duqaymaha baahsan ee Israel ay ku fidayaan xaafadaha ku yaala waqooyiga magaalada, isla-markaana ay yihiin kuwo si aan loo meel dayin loogu burburinayo dhismayaasha.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegeen in dad fara-badan ay ka barakacaan galbeedka magaalada, ka hor inta aan halkaasi duqaymaha lagu soo ballaarin.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa waxay sheegtay in aan la hayn tiro-koob sax oo ku aaddan tirooyinka dadka barakacay.

UNRWA ayaa waxay sheegtay in duulaanka cusub ee magaaladan uu cawaaqib daran ku yeelanayo masiibadii bani’aadantinimo ee ka jirtay Marinka Gaza, isla-markaana uu duulaankan imaanayo, xilli sida ay sheegtay la hortaagan yahay in gargaar bani’aadantinimo oo macno leh la geeyo Gaza oo dhan.

Volker Türk ayaa mar sii horreysay Israel uga digay in burburinta guryaha la degan yahay iyo xarumaha danta guud ay yihiin dembi dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Weerarada habeysan ee dadka looga rarayo dhulkooda, si deegaanadooda loo qaato ayuu sidoo kale ku sheegay in ay yihiin dembi dagaal.

Ficilada foosha xun ee Israel ayaa ka carreysiiyay dunida, iyadoona dagaalkan ay xitaa ku sii kala fogaanayaan xulafadeeda ugu muhiimsan ee dalalka reer galbeedka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc