Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Taliyaha Militariga Turkiga ee Dugsiga Tababarka Ciidamada (TURKSOM), General Sebahattin Kalkan ayaa maanta gaaray deegaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliyeyaasha ayaa waxay deegaankaasi kula kulmeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala, waxayna ka wada hadleen hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda.
“Taliyeyaasha ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka Nambar 50, iyagoo ka wada hadlay hawlgalada lagu xaqiijinayo amniga gobolka.” Ayay ku warantay Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA.
Raadiyaha Ciidamada ayaa sheegay in kormeeran uu la xiriiro, sidii sare loogu qaadi lahaa gulufka dagaal ee lagu wiiqayo kooxaha argagixisada.
Dhanka kale Taliyeyaasha ayaa booqday halka laga dhisayo Isbitaalka Nambar Konton, kaas oo ah mid ay yeelanayaan dadka deegaanka.
Waxay bogaadiyeen mashruuca lagu dhisayo isbitaalka, oo ay sheegeen inuu muhiimad u leeyahay horumarinta adeegyada caafimaadka ee bulshada deegaanka.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa bartiisa Facebook ku sheegay “Waxaa maanta kormeer shaqo ku tegay Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Shabeellada Hoose, si aan u dardargelino hawlgalada nadiifinta cadowga iyo adkaynta amniga qaranka. Inta aan ku guda jiray kormeerka waxaa si gaar ah u booqday goobta laga dhisayo isbitaalka deegaanka Nambar Konton.”
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa meelo ka mid ah gobolka ka wada hawlgalo ay kula dagaalamayaan Al Shabaab, iyagoona weli ku sii siqaya Degmada Awdheegle oo qorshuhu yahay in laga saaro maleeshiyadaassi.
Ugu dambayn labada taliye oo watay diyaarad helicopter ah ayaa kormeerkooda ka dib ku laabtay Magaalada Muqdisho.