Home Wararka Maanta Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo booqasho uga bilaabatay Muqdisho (SAWIRRO)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo booqasho uga bilaabatay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Cabdiqaadir Xuseen Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa afar maalmood joogi doona Caasimadda Muqdisho, iyagoona kaga qaybgeli doona kulamo laba geesood ah iyo munaasabado kor loogu qaadayo iskaashiga labada dal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegay in labada dowladood ay kala saxiixan doonaan heshiisyo lagu sii xoojinayo xiriirka iyo horumarinta danaha labada dhinac.

Labada dowladood ayaa 30-kii bishii hore ee July kala saxiixday heshiis ay Jabuuti ku kordhineyso tirada ciidamada ka jooga dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay kol hore si wadajir ah u soo saareen.

Heshiiska kuma cadda inta la gaarsiineyso tirada Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, oo ah hawlgal lagu taageerayo amniga Somaliya.

Qiyaastii 900 oo askari ayaa Jabuuti ka jooga dalka, gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo ciidamadeeda ay ka hawlgalaan.

Tallaabada lagu kordhinayo tirada Ciidamada Jabuuti ayaa ku soo aadeysa, xilli maleeshiyada Al Shabaab ay tan iyo 7-dii July ay is ballaarin ka wadaan deegaanada bariga gobolkaasi, waana xilli ay horey u haysteen daanta galbeed ee Webiga Shabelle amaba galbeedka gobolka.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah gobolada dalka ee Webiga Shabelle uu maro, kaasoo gobolka u kala qaybiyo laba daamood ama bari iyo galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc