Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Lubnaan oo sheegay in Israel ay dembi dagaal ka gaysatay dalka

Raysal Wasaaraha Lubnaan oo sheegay in Israel ay dembi dagaal ka gaysatay dalka

by Laacib

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam ayaa Israel ku eedeeyay inay dembi dagaal oo cusub ka gaysatay Koonfurta Lubnaan, isagoo eegaya weerar xagga cirka ah oo xalay lagu beegsaday Shaqaalaha Gaadiidka Gurmadka Degdegga oo hawlgal samatabixin ah u aaday goob ku taala deegaanka Majdal Zoun oo la duqeeyay. Hay’adda Difaaca Madaniga ee Lubnaan ayaa sheegtay in saddex xubnood ay ku hoos jiraan burburka, ka dib weerar ay Israel ku qaadday hawlgal samatabixin oo socday.

“Shaqaalaha Difaaca Madaniga ayaa la bartilmaameedsaday iyaga oo fulinaya gurmad caafimaad oo loo sameynayay dadkii ku dhaawacmay duqayn ay diyaaradaha Israel ka gaysteen Majdal Zoun.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Difaaca Madaniga.

Raysal Wasaaraha Lubnaan ayaa sheegay in beegsiga Shaqaalaha Difaaca Madaniga ee Majdal Zoun uu yahay dembi dagaal oo cusub oo Israel ay ka gaysatay dalkaasi.

“Beegsiga Difaaca Madaniga ee Majdal Zoun iyo shahiidnimadooda, iyagoo gudanaya waajibaadkooda bani’aadantinimo waxay ka dhigan tahay dembi dagaal oo cusub oo ay gaysatay Israel. Waxay ka dhigan tahay xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da iyo qawaaniinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaaraha ayaa qoraal ku sheegay in Israel ay si joogta ah u jebineyso heshiiska xabad joojinta ee ay labada dowladood dhawaan gaareen.

Ciidanka Cirka Israel ayaa bartilmaameed ka dhiganaya shaqaalaha caafimaadka ee isku dayaya inay gurmadka u fidiyaan dadka ay waxyeeladu ka soo gaareyso duqaymaha ay ka fulinayaan dalkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa goor sii horreysay sheegtay inay kordhayaan weerarada ay Israel u gaysaneyso kooxaha ku howlan naf badbaadinta, waxayna wasaaraddu weeraradan ku tilmaamtay xadgudub qaawan oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Ugu yaraan 2,534 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, 7,863 kalena way ku dhaawacmeen weerarada ay Israel ka gaysatay Lubnaan, tan iyo markii 2-dii bishii March uu bilowday dagaalka Ciidamada Israel iyo Xisbullah, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa 16-kii bishan ku dhawaaqay in labada dowladood ay ku heshiiyeen xabad joojin muddo 10 maalmood ah oo la dhaqangeliyay maalintii xigtay ee 17-ka bisha, isagoona Khamiistii sheegay in lagu kordhiyay saddex toddobaad.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc