Kontoroolada laga soo galo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay warqad ciidamada lagu faray inaysan soo fasixi karin ciidamada ka tirsan kuwa Xoogga Dalka ee imanaya caasimadda.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay toddobaadkii hore isku afgarteen in la xakameeyo militariga doonaya inay yimaadaan magaalada.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in go’aankan uu si gaar ahi u saameynayo ciidamada ka hawlgala Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe ama Labada Shabelle oo deris la ah Muqdisho.
llo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Polizia Militare iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee ka hawlgala kontoroolada Muqdisho ay dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ay dib u celiyeen askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku soo wajahnaa magaalada.
Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa kuu sheegaya in askarta kuwooda xitaa fasaxa galay aan la ogoleyn inay xilligan yimaadaan magaalada, haddii aysan taliyeyaashooda ka wadan warqad ay baahi caafimaad ugu imanayaan magaalada.
Saraakiishan ayaa ku waramaya in Taliyeyaasha Qaybaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka reeban yihiin in ay warqad cudurdaar ah u qoraan ciidamada, taas oo adkeynaysa aqbalaadda ay ku soo geli karaan Muqdisho.
Dowladda Federaalka ayaa Jimcihii Magaalada Muqdisho ka saartay boqolaal askari oo la geeyay meel ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, kuwaas oo Sabtidiina loo diray jiidaha hore ee gobolkaasi.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa dareen ka qaba in Siyaasiyiinta Mucaaradka ay militariga u adeegsan karaan fad qalalaase, marka aad eegto in laba toddobaad ka hor uu dhamaaday muddo xileedkii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka, kan Madaxtooyadana uu laba toddobaad ka harsan yahay.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ayaa si adag uga horyimid muddo kororsi uu sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona ka digay in taasi ay dalka gelin doonto xaalad fowdo iyo amni darro ah.
Muddooyinkanba waxaa dalka ka jiray khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay nooca doorasho ee dalka laga qabanayo oo aan heshiis lagu ahayn.
Inta badan xiisadaha siyaasadeed iyo muddo kororsiga aan la isla ogoleyn ayaa sababa fad qalalaase, isku dhex yaac iyo iska horimaadyo hubeysan, waana waxa Villa Somalia ay hadda dooneyso in laga hortago.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayay u badan tahay in uu samayn doono muddo kororsi hal dhinac ah, lamana oga waxa ay mucaaradku ka yeeli doonaan.