Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka oo gacan bir ah ku qabaneysa Baydhabo

Dowladda Federaalka oo gacan bir ah ku qabaneysa Baydhabo

by Laacib

Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maadey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, si uu u riixo dadaalada socda ee is bedelka amni lagaga sameynayo magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa Magaalada Baydhabo ka wada kulamo looga hadlayo, sidii wax looga qaban lahaa falalka amni darrada ee muddooyinkanba ku soo badanayay magaaladaasi.

Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa Garoonka Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Wasiirka cusub ee Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (Joon) iyo Saraakiil kale.

Intaasi ka dib, Sarkaalka labaad ee ugu sarreya Militariga Somaliya ayaa loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulan kula leeyahay Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

General Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku biiraya kulamada looga hadlayo amniga magaalada, si uu khibraddiisa ugu biiriyo hay’adaha ammaanka.

Dowladda Federaalka ayaa waxay u muuqataa mid dhageysaneysa walaaca amni ee ay qabaan dadka reer Baydhabo, iyadoo xiisadda siyaasadeed iyo kororka falalka amni darrada ay xitaa wiiqi karaan geeddi-socodka xilliga kala guurka ee Koonfur Galbeed iyo doorashada ka socota maamulkaasi.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoogga saareysa, sidii loo xakamayn lahaa culeyska amni ay magaalada ku hayaan ciidamada taabacsan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee awoodda laga tuuray daba-yaaqadii bishii March.

Laftagareen oo in ka badan toddobo sano madax u ahaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa 30-kii bishii lagu khasbay in uu ka baxo Magaalada Baydhabo, laakiin bixitaankiisii waxay cawaaqib amni ku yeelatay dadka deegaanka.

Xaaladaha amni ee ku hareereysan Baydhabo ayaa ah kuwo is bedbedelaya, dadkuna ma ahan wax ay sanadihii u dambeeyay la qabsadeen.

Si kastaba ha-ahaatee General Ufurow ayaa noqonaya janaraalkii labaad ee ay Dowladda Federaalka u dirto Baydhabo, wax ka yar hal toddobaad. Jimcihii ayaa waxaa magaalada gaaray General Cirro, isagoo qiimeynaya daldaloolooyinka amniga ee ka jira magaalada. Imaanshaha General Ufurow ee magaalada ayaa sidoo kale wanaajineysaa niyadda ciidamada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc