Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Magaalada Belgrade kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Serbia, Bratislav Gašić.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo in khibradaha la kala faa’iideysto, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Wasiir Fiqi.
“Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo isweydaarsiga khibradaha, iyadoo labada dhinac ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Somaliya iyo Serbia.” Ayaa lagu yiri warka.
Dhanka kale Wasiir Fiqi ayaa la kulmay Raysal Wasaare Kuxigeenka Serbia ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Ivica Dačić oo uu kulanka ku wehlinayay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka, Vladimir Orlić.
“Labada dhinac waxay muujiyeen qanacsanaanta natiijada wada hadalka, iyada oo booqashadani ay dhiirigelin cusub u tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Somaliya iyo Serbia.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga wararka ee Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya.
Wasiir Fiqi ayaa ka mid ah wafdi uu hoggaaminayo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga Caasimadda Belgrade.
Xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya iyo Serbia ayaa muddooyinkii u dambeysay xoogeysanayay, iyadoona Serbia ay bilowday in ay tababarto Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.