Falastiiniyiinta weli ku harsan Magaalada Gaza ee ku taala waqooyiga Marinka Gaza ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan guryahooda, ka dib markii Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz uu Arbacadii ku hanjaby in loo tixgelin doono in ay yihiin Xamaas.
Wasiirka ayaa shacabka ugu yeeray in ay dhageystaan awaamiirta Militariga Israel, isla-markaana ay taggaan koonfurta Marinka Gaza, haddii kalena qof kasta oo ku sugan magaalada loo arki doono in uu ka tirsan yahay kooxaha iska caabinta.
Wasiir Katz ayaa ku hanjabay in ay burburin doonaan Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza, isagoo daba jooga qaraarkii 8-dii bishii August ka soo baxay Golaha Wasiirada ee lagu qarameynayo magaaladaasi amaba loogu soo darayo dhulka Israel.
Katz ayaa sheegaya in dhammaan Falastiiniyiinta ku haray Magaalada Gaza ay tahay inay isaga baxaan, wuxuuna tani ku sheegay fursaddii ugu dambeysay oo dadku ay haystaan, qof kasta oo ku sii sugnaanada loo aqoonsan doono inuu yahay mid taageeraha iska caabinta, isla-markaana uu la kulmi doono gacanta adag ee Ciidamada Israel.
“Tani waa fursaddii ugu dambeysay ee dadka degan Magaalada Gaza ee doonaya inay isaga baxaan, si ay ugu guuraan koonfurta. Kuwa ku haray Gaza waxay noqon doonaan oo loo tixgelinayaa inuu ka tirsan yahay argagixisada iyo taageereyaashooda.” Ayuu yiri Katz.
Warka Katz oo cabsida ku kordhiyay dadka deegaanka ayaa ku riixay in qaar badan oo ka mid ah ay bilaabaan in ay ka qaxaan guryahooda, iyagoo aadaya dhinaca koonfureed ee Marinka Gaza.
Kala bar dadkii deganaa magaalada ayaa qaxay bishii hore ee September, markaas oo Israel ay ku dhawaaqday in uu si rasmi ah u bilowday hawlgalka dhinaca dhulka ee lagu qabsanayo magaalada.
Qiyaastii 600,000 oo qof ayaa la sheegaa in ay illaa iyo hadda ka barakaceen magaalada, maalmaha soo socdana ay tiradoodu aad u kordhi doonto.
Duulaankan cusub ka hor, in ka badan hal milyan oo qof ayaa deganaa oo ku noollaa xarunta ugu weyn ee Marinka Gaza.
Israel ayaa waxay shacabka Falastiiniyiinta ku riixeysaa in ay isugu taggaan dhul aad ciriiri u ah, halkaas oo aan ku habbooneyn in lagu noolaado, sida uu sheegay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus.