Home Wararka Maanta Maamulka Koonfur Galbeed oo laga la wareegay Degmada Berdaale

Maamulka Koonfur Galbeed oo laga la wareegay Degmada Berdaale

by Laacib

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Jimcahan gudaha u galay oo la wareegay Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Magalaada ayaa waxaa ku sugnaa Ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed iyo ciidamo dadka deegaanka ah, oo dhawaan loo abaabulay inay difaacaan magaalada, kuwaas oo la sheegay in ay isaga baxeen.

Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ay gudaha u soo galeen magaalada, iyadoo aanu wax iska horimaad ah ka dhicin.

Berdaale ayaa qiyaastii 50km jihada galbeed uga beegan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxayna noqoneysaa degmadii 3aad oo ka tirsan gobolkaasi, isla-markaana ka baxda gacanta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Laftagareen ayaa 8-dii bishan bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Degmada Qansaxdheere, iyadoona shalay ay dagaal ku qabsadeen Degmada Buurhakaba.

Qabsashada Berdaale ayaa Baydhabo ka dhigeysa magaalo go’doonsan oo la hareereeyay, marka aad eegto in magaalooyinka deriska la ah laga la wareegay maamulka.

Dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada taageersan Laftagareen ayaa muujinaya in culeys weyn la soo saaray Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu hoggaamiyo ee fadhigeedu yahay Baydhabo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc