Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in laba qof lagu dilay weerar maanta lagu qaaday macbad ay dadka Yahuudda leeyihiin oo ku yaala Magaalada Manchester ee waqooyiga dalkaasi.
Booliska ayaa war ay soo saareen ku sheegay in weerarka loo adeegsaday gaari jiirsiin iyo toorey, isla-markaana uu ka dhacay goobta lagu magacaabo Heaton Park Synagogue ee deegaanka Crumpsall ee waqooyiga Manchester.
Warka booliska ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay toogasho ku dileen ninkii weerarka soo qaaday, kaas oo aan weli heybtiisa la shaacin, balse waxay boolisku sheegeen in weerarka ay la xiriirinayaan inuu yahay mid argagixiso.
Boolisku waxay sheegeen in saddex qof oo kale ay si xun ugu dhaawacmeen weerarka.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa cambaareeyay weerarkan oo uu ku tilmaamay mid argagax leh.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in weerarka lagu soo beegay maalinta ugu barakaysan ee sida uu yiri sanadka Diinta Yahuudda ee loo yaqaano (Yom Kippur), sidaasi daraadeedna uu weerarku noqonayo wax aad u xun.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay boolis dheeri ah gayn doonto macbadyada Yahuudda ee dalka oo dhan.
“Waxaan samayn doonnaa wax walba, si aan u ilaalino bulshadayada Yahuudda.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Raysal Wasaare Starmer ayaa si degdeg uga soo laabtay shir uu Madaxda Yurub kula lahaa Magaalada Copenhagen, si uu u shir guddoomiyo kulanka Cobra, oo ah kulan ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada, marka ay waxyaabo waaweyn dalka ka dhacaan.
Saraakiisha Booliska ayaa goor sii horreysay sheegay in wax u muuqdo walxaha qarxa ay ka heleen goobta, taasoo keentay in ciidamada miinooyinka kala furfura loo diro goobtaasi.
Ciidamada miino baarista oo la socda gaari cad ayaa la arkayay iyagoo soo gaaray goobta. Boolisku illaa iyo hadda ma sheegin in wax qarax ahi ay meesha ka heleen.
Booliska Manchester ayaa xaqiijiyay in dad badan oo Yahuud ah ay ku jireen macbadka, markii uu weerarku dhacayay.
Booliska ayaa hakad geliyay isu socodka goobta, ka hor inta aysan saacado ka dib fasaxin isu socodkii dadka iyo gaadiidka.
Jaaliyad ballaaran oo Yahuud ah ayaa ku nool dalka Ingiriiska.