Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo afka u saaran Degmada Awdheegle

Ciidanka Xoogga Dalka oo afka u saaran Degmada Awdheegle

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa gaaray afka hore ee Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada ayaa ku dhawaad laba bilood wada hawlgal ay tahay in lagu qabto degmadaasi, taas oo ciidamadu ay lumiyeen 15-kii bishii March ee sanadkan, ka dib weerar ballaaran oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku soo qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in xaalad hubinti la’aan ah ay ka jirto degmada, iyadoo saacadaha soo socda uu is bedel ku iman karo maamulka degmadan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aanu wax iska horimaad ah ka dhicin degmadaasi, sababtoo ah Shabaabka oo u muuqdo kuwo ka qalab qaadanaya iyo ciidamada oo si taxadar leh bannaanada magaalada uga baaraya miinooyinka ay maleeshiyadu ku aaseen.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Shabaabku ay culeys badani dareemeen, ka dib markii ciidamo ka yimid jihada deegaanka Nambar Konton ay Jimcihii la wareegeen deegaanka Raqayle iyo ciidamo kale oo weerar ku galay deegaanka Shaan ama Shaamgare. Ciidamada oo halkaasi dagaal kula galay maleeshiyaadkii ku sugnaa ayaa ugu dambayn kala wareegay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa xalay fiidkii xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM ay si buuxda ula wareegeen deegaanadaasi oo ku yaala waqooyi bari ee Degmada Awdheegle.

Warbaahinta ayaa fahamsan in muddadii ay ciidamadu ku sii socdeen Awdheegle ay caqabad weyn kala kulmeen Shabaabka oo biyaha Webiga Shabelle si toos ah ugu soo fatahiyay dhulka beeraha ee u dhaxeeya Awdheegle iyo Bariire, taasoo adkeysay in si dhakhsa ah looga saaro, iyadoo Bariire ay tahay goobta ay ciidamadu bilowgii ka soo kubaareeyeen Awdheegle.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM ayaa waxaa muuqato in xilli kasta ay haatan gudaha u geli karaan degmadaasi, marka ay hubiyaan badbaadada hawlgalkooda, si khasaaraha ciidamada loo yareeyo, loogana fogaado waxyeelada dadka rayidka ah.

Shabaabka ayaa la aaminsan yahay in Awdheegle ka dib ay saldhigan doonaan deegaanka Mubaarak ee ku dhow magaalada uu hadda qorshaheeda socdo, sidii looga saari lahaa.

Hawlgalka militarigu uma muuqdo mid qayb ka ah, sidii Shabaabka sidoo kale looga kicin lahaa Mubaarak, taasoo inta ay joogaan ay khatar amni ku tahay Awdheegle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc