Dowladda Somaliya ayaa maanta furtay qaar ka mid ah waddooyinkii Magaalada Muqdisho ee muddada dheer xirnaa, iyadoo tanina lagu xoojinayo in is bedel weyn oo amni uu ka jiro caasimadda.
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Xuseen Maxamed (Muungaab) ayaa horkacaya hawlgalka waddo furista Muqdisho.
Raysal Wasaaraha iyo Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa bilaabay qorshe guud ahaanba lagu furayo waddooyinka xiran ee magaalada, shaqada maanta la qabtayna ay bilow u tahay, sidii waddooyinka oo idil loo wada furi lahaa.
Masuuliyiinta ayaa sheegaya in waddooyinkii la bilaabay in la xiro, xilligii Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ay hadda socoto shaqadii dib loogu furi lahaa.
Waxaa la arkayay gaadiid cagaf-cagaf iyo wiishash lagu qaadayo dhegxaanta waaweyn ee dhowr iyo tobanka sano ku go’naa waddooyinka. Sidoo kale waxaa la qaadayaa oo la burburinayaa biraha, sida Check Point-yada oo kale loogu xiray meelo ka mid ah jidadka magaalada.
Dowladihii isaga kala dambeeyay ee dalka ayaa dhegxaanta waaweyn iyo biraha qaarka dambe dhegxaanta ka saaran yihiin ku xirayay waddooyinka, si gaar ah goobaha ay ku yaallaan Xarumaha iyo Xafiisyada Dowladda Federaalka.
Xaaladdan oo sanado badan dhaqan ka noqotay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa markii dambe dowladihii dalka kaga dayday maamulada hotelada, shirkadaha ganacsiga, hay’adaha caalamiga ah, siyaasiyiinta iyo xitaa Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, iyagoo ku adkeynaya amniga goobaha ay degan yihiin.
Dhegxaanta shubka ka sameysan iyo biraha lagu hor jaro waddooyinka waaweyn iyo xitaa waddooyinka yaryar ee xaafadaha ku yaala ayaa ahaa gaashaanka ugu weyn ee lagaga hortago gaadiidka ay qaraxyada ka buuxaan ee xilliyada qaarkood ay maleeshiyada Al Shabaab ku bilaabaan weerarada, gaar ahaan goobaha ay ka gaystaan weeraradooda abaabulan, waana xeelad loo adeegsanayay in lagu fashiliyo weerarada tooska ah ee kooxaha argagixisada.
Muddo dheerba waxaa taagneyd caqabad xoog leh oo dadku ay ku qabeen xirnaanshaha waddooyinkan, taasoo ciriiri ka dhigtay isu socodka gaadiidka ee magaalada, walow ay duruuf amniga la xiriirta keentay in la xiro waddooyinkaasi.
Hadda xaalku waa ka duwan tahay sidii hore, marka aad eegto in muddooyinkanba ay ka soo reynaysay xaaladda amni ee Caasimadda Muqdisho, taas oo ay ugu wacan tahay shaqada ay ciidamadu ka qabteen ammaanka magaalada, ka dib markii ay qaadeen tallaabooyin dhinaca amniga ah, oo ay ugu horreyso in Villa Somalia ay xoojisay Ciidanka Dharcadka ah ee ka hawlgala magaalada iyo in la adkeeyay kontoroolada laga soo galo Muqdisho.
Tallaabadan dib loogu furayo waddooyinkii xirnaa ee magaalada ayay dowladdu ku muujineysaa in is bedel uu jiro, waxaana loo fasirtay farriin ay si cad ah ugu sheegeyso Siyaasiyiinta Mucaaradka in aysan gaadiidka dagaalka iyo qoryaha boobayaasha ku dhex qaadan karin magaalada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii sheegay in ay mamnuuc tahay in gaari Cabdi Bile ah oo ciidan saaran yihiin lagu dhex kaxeysto magaalada.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka ee Shuhadaa ayaa sheegay in isagoo ah Madaxweynihii Jamhuuriyadda uu naftiisa ka joojiyay in lagu ilaaliyo gaari Cabdi Bile oo qori Dhashiike ah uu saaran yahay, isagoo intaasi ku daray in Golaha Wasiirada ay awaamiir ka soo saareen arrintaasi, isla-markaana aan cidina laga yeeleyn in ay amar diiddo sameyso amaba ay ka hortimaado go’aan dowladeed.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaan ahay dibna u fiiriya waayahaan dambe, waayaha soo socdana fiiriya, annaa iska reebay baabuur Cabdi bile ah oo qori Dhashiike ah saaran yahay inuu i daba kaco oo jidka uu igu waardiyeeyo annaa iska reebay oo iri baahideedii ma jirto. Maxaa dadka indhahooda balaayo loo tusinaa oo mar walbaba argagax, cabsi iyo in la cabsiyo loo tusinaa. Yacni baabuurkan Cabdi Bile ah ee qoriga sita ee magaalada dhex maraya wuxuu calaamad u yahay khataraa jirta. Waa calaamad oo tilmaameysa inay khatar jirto, mana jirto khatar Cabdi Bile la isaga ilaaliyo, haddayba jirto xitaa annaa iska reebay oo iri Beebe iyo baabuur Cabdi Bile oo qori Dhashiike ah saaran yahay ma wadanayno.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Golaha Wasiirada ayaa fariistay awaamiiree ka soo saareen. Lama wadan karo gaari Cabdi Bile ah oo qori Dhashiike ah saaran yahay oo 10 wiil saaran tahay, la lama dhex mari karo magaalada, waa astaan amni darro, ayada arageeda ah ayaa amni darro ah.”
Si kastaba ha-ahaatee dib u furista waddooyinka Muqdisho ayaa yareynaysa mashquulkii badnaa ee ka jiray isu socodka gaadiidka ee magaalada.