Home Wararka Maanta Ciidamada oo burbur baahsan ugu tagey Degmada Awdheegle

Ciidamada oo burbur baahsan ugu tagey Degmada Awdheegle

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa Sabtidii la wareegay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada ayaa burbur baahsan ugu tagey degmadaasi, ka dib markii ay kala wareegeen maleeshiyada Al Shabaab. Ma jiro wax wax dagaal ahi oo ka dhacay gudaha degmada, inkastoo tuulooyinka hoostaga lagu dagaalamay.

Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay burburin xoog leh ka gaysatay xaafadda Malable ee degmadaasi, ka dib markii ay ka rartay dadkii deganaa. Xaafadda Malable ayaa lagu sheegay midda uu burbur ugu weyni soo gaaray.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Shabaabka ku eedeeyay in ay burburiyeen guryaha dadka rayidka ah, isla-markaana ay barakac ugu darayn dadka deegaanka. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ay dhufeysyo ka sameysteen guryihii la deganaa, iyagoo sidoo kalena godad ka qotay, sida uu yiri.

Diyaaradaha dagaalka ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah ee Turkiga iyo Mareykanka ayaa la sheegay in ku dhawaad labadii bilood ee u dambeysay ay duqaymo ka gaysanayeen Awdheegle iyo deegaanada hoostaga, iyadoo lagu taageerayo hawlgalka dhinaca dhulka ee bilowday bartamihii bishii August, ka dib markii ciidamada wada socda ay 8-dii bishaasi dagaal culus kula wareegeen gacan ku haynta Bariire, oo qiyaastii 12km uun u jirta Awdheegle.

Warbaahinta ayaa ogaatay in toddobaadkii hore dadkii ku harsanaa magaalada loo sheegay in ay ka fogaadaan goobaha ay dagaaladu ka dhici karaan amaba lagu duqayn karo cadowga.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Sabtidii qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in hawlgalkan khasaare culus lagu gaarsiiyay Al Shabaab, waxaana la burburiyay buu yiri gabaadyadii iyo difaacyadii ay ku dhuumaaleysanayeen.

“Awdheegle maanta waxay dib ugu soo noqotay gacanta dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Abuukar Macalin Maxamuud, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay dadka deegaanka, isla-markaana ay u fidin doonto gacanta ay u baahan yihiin.

“Dowladda Somaliya wax alaala iyo wixii ay shalay la qabatay ayay maantana la qabaneysaa. Dib u dejin ayaa la sameynayaa, haddii Alle idmo. Wax kasta oo adeeggii bulshada ahaa ayay Dowladda Somaliya hay’adaheeda kala duwan gayn doonaan.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi oo Axaddii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xoreynta Awdheegle ay ka dhigan tahay guul istiraatiiji ah oo cusub, waxayna raaceysaa buu yiri guulihii Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen Sabiid & Caanoole iyo Bariire.

Shabaabka ayaa 15-kii bishii March ee sanadkan weerar ballaaran oo qaraxyo ku bilowdeen ku qabsaday Degmada Awdheegle, waana markii ugu horreysay oo tan iyo xilligaasi haatan dib looga saaro degmadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc