Home Dhacdooyin Trump oo ku dhawaaqay in Israel iyo Xamaas ay saxiixeen wejiga koowaad ee heshiiska

Trump oo ku dhawaaqay in Israel iyo Xamaas ay saxiixeen wejiga koowaad ee heshiiska

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Israel iyo Xamaas ay ku heshiiyeen wejiga koowaad ee qorshihiisa nabadeynta Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Xamaas iyo Israel ay saxiixeen wejiga koowaad ee qorshaha lagu dhameynayo dagaalka Gaza.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiska la saxiixay uu ogolanayo in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan maxaabiista iyo in Ciidamada Israel ay ka baxaan meelo lagu heshiiyay oo Marinka Gaza ah.

“Aad baan ugu riyaaqsanahay inaan ku dhawaaqo in Israel iyo Xamaas ay labaduba saxiixeen wejiga koowaad ee qorshahayga nabadda.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Tani waxay la macno tahay in dhammaan la haysteyaasha la sii deyn doono dhawaan, Israel-na ay ciidamadeeda kala bixi doonto layn lagu heshiiyay, oo ah tallaabooyinka ugu horreeya ee loo qaadayo nabad waarta.” Ayuu yiri Trump.

Trump ayaa sheegay in si caddaalad ah loola dhaqmi doono dhinacyada, oo uu uga la jeedo Israel iyo Xamaas.

“Tani waa maalin ku weyn dunida Carabta iyo Muslimka, Israel, dhammaan qaramada ku hareereysan iyo Mareykankaba.” Ayuu yiri Trump oo u mahadceliyay dalalka Qatar, Masar iyo Turkiga oo uu sheegay inay kala shaqeeyeen dhacdo taariikhi ah oo aan horey loo arag.

Israel iyo Xamaas ayaa saddexdii maalmood ee u dambeysay wada hadalo aan toos ahayn ku lahaa Magaalada Sharm El-Sheikh.

Waxaa harsan dhowr weji oo kale oo xabad joojin waarta lagaga sameynayo Marinka Gaza, laguna dhameystirayo ka bixitaanka Ciidamada Israel ee qaybaha Gaza oo dhan.

Dunida ayaa horey u taageertay qorshaha Trump ee 20-ka qodob ka kooban ee colaadda Gaza ka dib ay tahay in Mareykanka uu fududeeyo wada hadal ay Israel iyo Falastiiniyiinta ka yeelanayaan xalka labada dal.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc