Saraakiisha Booliska Hirshabelle ayaa sheegay in waxa ay ku sheegeen koox burcad ah ay 2-dii duhurnimo ee Khamiistii ay weerar ku qabsatay mid ka mid ah gaadiidka Ciidanka Booliska ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Taliyaha Saldhigga Booliska Jowhar, Dhamme Cabdifitaax Arwaax Aadan ayaa sheegay in gaarigan oo noociisu uu ahaa Cabdi Bile laga lahaa Saldhigga Booliska Jowhar.
Taliyaha ayaa sheegay in kooxdu ay soo weerartay gaariga, xilli uu marayay sida uu sheegay inta u dhaxeyso Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay.
“Gaariga la weeraray ayaa ku guda jiray howl maalmeedkiisa shaqo. Dhacdada ayaana ka dhacday inta u dhaxeyso Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay.” Ayuu yiri Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Jowhar.
“Kooxda ayaa looga shakisan yahay inay gacan saar la leedahay kooxaha argagixisada.” Ayuu yiri Taliyaha Saldhigga Booliska Jowhar.
Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in ciidamadu ay ku daba joogaan kooxdaasi, marka gacanta lagu soo dhigana ay horkeeni doonaan sharciga.
“Ciidamada ammaanka oo ku baxay ayaa weli ku raad jooga kooxda dhibaatada gaysatay. Marka gacanta lagu soo dhigo, hadduu Alle idmo waxaa la horgayn doonnaa maxkamadda awoodda u leh.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in wixii faah faahin ay dib Warbaahinta uga la soo wadaagi doonaan.
Marka laga soo tago hadalka Taliyaha, wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada iyo maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen deegaanka Mareerey oo hoostaga Magaalada Jowhar, isla-markaana ay ciidamadu weerareen maleeshiyaadaasi oo beeraley ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in lagu haysto dhul beereed ay iyagu leeyihiin, isla-markaana ay difaacanayaan dhulkooda oo sida ay sheegeen duulaan lagu yahay.
Waxay sheegeen in hal qof uu ka dhintay, laba kalena ay kaga dhaawacmeen weerarka ay ciidamadu ku soo qaadeen, welina ay la kulmayaan weerar hor leh.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xalay mar kale weerar ku qaadeen maleeshiyadaasi, si ay gacanta ugu soo dhigaan maleeshiyada, dibna ay u soo celiyaan gaarigii laga qabsaday.
Saraakiil Booliska Hirshabelle ka tirsan, isla-markaana codsaday inaanan magacooda Warbaahinta loo adeegsan ayaa Universaltv u sheegay in maalmahaanba uu muran ka taagnaa dhul beereed ku yaala Mareerey, mid ka mid ah garabyada isku haystana uu ka dhega-adeygay Saldhigga Jowhar oo looga yeeray.
Xaalad kacsanaan ah ayaa weli ka taagan deegaanka Mareerey, iyadoona ay jiraan baaqyo loo jeedinayo maamulka iyo dadka Mareerey, si xiisadda loo dejiyo.