Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku biiray madaxda kale ee ka qaybgashay aaska qaran ee Dowladda Kenya u sameynayso Hoggaamiyihii Mucaaradka, Raila Odinga.
Madaxweynaha Somaliya oo saakay gaaray Magaalada Nairobi ayaa tegay Garoonka Kubadda Cagta ee Nyayo, halkaas oo lagu soo bandhigay meydka Raysal Wasaarihii hore ee Kenya.
Kumanaan dadweyne ah ayaa soo buuxiyay Garoonka Kubadda Cagta ee Nyayo, iyagoo qoyskiisa iyo xubnaha xulafada siyaasadeed u muujinaya, sida ay uga murageysan yihiin geerida ku timid.
Dadweynaha qaarkood ayaa wata calanka dalka iyo sawirrada hoggaamiyaha geeriyooday, si ay ugu sagootiyaan.
Sanduuq uu ku jiro meydka Raila Odinga, isla-markaana uu ku dahaaran yahay calanka dalka ayaa lagu soo bandhigay garoonkaasi oo ku yaala Nairobi.
Madaxweynaha Somaliya iyo dhiggiisa Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa hoggaaminaya masuuliyiinta ajnabiga ah ee ka qaybgalay baroordiiqda Raila Odinga ee ka socota garoonkaasi.
Odinga oo 80 jir ahaa ayaa Arbacadii ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalkaasi India. Maamulka Isbitaalka Devamatha ee Magaalada Kerala ayaana sheegay in ninkaasi uu wadnaha istaagay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Musalia Mudavadi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Khamiistii meydkiisa ka soo dejiyay Caasimadda Nairobi.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in aas qaran loo samayn doono Odinga, oo uu ku tilmaamay halyeey dimoqraadiyadeed.
Sida ku cad jadwalka ay Dowladda Kenya soo saartay waxaa Axadda lagu aasi doonnaa deegaanka Bondo oo qiyaastii 60km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kisumu. Qoyskiisa ayaa sheegay in uu ka dardaarmay in lagu aaso beertiisa Bondo.