Home Dhacdooyin Booliska Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka xaaskiisa

Booliska Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka xaaskiisa

by Laacib

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay muuqaalka nin ku eedeysan in uu xaaskiisa ku dilay Degmada Garasbaaley.

Taliska Booliska ayaa war qoraal ah ku sheegay in Ciidanka Saldhigga Booliska Garasbaaley ay gacanta ku soo dhigeen Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, oo ku eedeysan in uu toorey ku dilay xaaskiisa.

Eedeysanaha oo lagu soo bandhigay Saldhigga Garasbaaley ayaa lala soo bandhigay tooreyda la sheegay in uu dilka u adeegsaday.

“Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonnaa maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loogu waafajiyo.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Warka booliska laguma sheegin goorta uu dilku dhacay iyo magaca haweeneyda midna, balse wararka la helayo ayaa sheegaya in dilka uu ninkaasi ku eedeysan yahay uu dhacay Sabtida maanta ah.

Magaalooyinka waaweyn iyo deegaanada Soomaalida ayaa waxaa in muddo ahba ku soo badanayay dilalka ka dhex dhacaya amaba ay isu gaysanayaan xubnaha qoysaska.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc