Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose, laba toddobaad ka dib markii laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa 4-tii bishan Al Shabaab ka saaray degmadaasi, ka dib muddo ay si taxadar leh ugu sii siqayeen degmada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo safarka uu ku wehlinayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Cumar Cali Cabdi ayaa magaalada u tegay, sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta.
Shabaabka ayaa lagu eedeeyay in ay burbur baahsan u gaysteen guryihii ay dadku deganaayeen, dhibaatada ugu weyna ay ka gaysteen xaafadda Malable ee Awdheegle, iyadoo inta badana dadkii deegaanka aysan weli ku soo laaban deegaankoodii.
General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hor hadlayay ciidamada ayaa sheegay inaysan hadda ugu horreyn inay xoreeyaan Awdheegle, balse markii koowaad ay gacanta ku dhigaan ay ahayd sanadkii 2019, markaas oo sida uu sheegay aanu ka jirin wax adeeg bulsho ah.
“Maalintii aan halkan xoreynaynay goob madow ayay ahayd. Koronto, caafimaad, xarun degmo oo shaqeynayso kama jirin, iskuul kama jirin, MCH kama jirin.” Ayuu yiri Taliyaha oo xusay “Ciidamadu intii ay halkan gacanta ku hayeen waxaa la dhisay dhammaan waxyaabaha aan ka hadlayo.”
Taliyaha ayaa yiri “Sidaad la socoteen cadowga illaa saddex jeer ayay soo weerareen Awdheegle, saddexdii jeerba cadowgu way ku jabeen. Waxaad la socotaan 2020, bishii April 3-deedii ayaa ugu cuslaa weerarkii ay halkan argagixisadu ku soo qaadeen. Meeshaan difaaca dhinacyadiisa ah 104 meyd ah ayay uga taggeen oo maleeshiyaadkii ay halkan ku soo weerareen ahaa.”
Taliyaha ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay “Intaa waxa ay u dagaalamayaan oo u socdaan waa baadil, waa inay baabi’iyaan nolosha bulshada, caafimaadka, waxbarashada iyo wax kasta oo adeeg dowladeed ah oo bulshadu ay helayeen.”
Waxa uu sheegay in markii ugu dambeysay oo Shabaabku ay qabsadeen Degmada Awdheegle, oo ah bartamihii bishii March ay burburiyeen dhammaanba adeegyadii bulshada ee ay dowladdu ka hirgelisay degmadaasi.
Jananka ayaa ciidamada u sheegay in jabka Shabaabka lagu gaarsiiyay dagaaladii bartamihii sanadkan lagu la galay Sabiid & Caanoole iyo Bariire ay keentay inay ka cararaan Awdheegle oo aysan ku dagaalamin, ayna tahay in la sii daba kaco oo aan laga harin.
“Maanta inaan daba kacnoo dhameystirno way fududahay.” Ayuu yiri Taliyaha oo ciidamada ku booriyay in khatarta kooxaha argagixisada ay ka fogeeyaan Awdheegle.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaan muddo laba bilood ah lagu arkin jiidda hore, waana markii ugu horreysay oo goobta dagaalka lagu arko, tan iyo bishii August.