Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa cunaqabateyntii ugu horreysay ku soo rogay Ruushka, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay bishii January, isagoona sabab uga dhigay horumar la’aanta wada hadalada xabad joojinta ee lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.
Wasiirka Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent ayaa sheegay in cunaqabateyntan ay saameynayso labada shirkadood ee ugu waaweyn ee saliidda iyo gaaska ee Ruushka. Shirkadahan ayaana kala ah Lukoil iyo Rosneft.
Wasiirka ayaa sheegay in tani ay jawaab u tahay, waxa uu ku sheegay diidmada macna darrada ah ee Madaxweyne Vladimir Putin ee in la joojiyo dagaalka Moscow iyo Ukraine.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Ruushku uu shirkadihiisa tamarta u adeegsado maalgelinta ugu weyn ee dagaalka uu ka wado Ukraine.
“Falalka maanta waxay kordhinayaan cadaadiska qaybta tamarta ee Ruushka, waxayna hoos u dhigayaan awoodda Kremlin-ka ee kor u qaadidda dakhliga mashiinka dagaalka iyo taageerada dhaqaalaheeda daciifka ah.” Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.
Cunaqabateyntan ayaa lagu sheegay tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee Mareykanka uu ku soo rogo wax soosaarka tamarta ee Ruushka, muddada uu Madaxweyne Donald Trump uu xafiiska joogo.
Madaxweyne Trump ayaa Moscow ku eedeeyay in aysan dooneyn in la soo afjaro dagaalka muddada afarta sano ku dhow ee ka socdo dalkaasi Ukraine.
Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii sheegay in kulankii la qorsheeyay ee isaga iyo dhiggiisa Ruushka ay ku yeelan lahaayeen Magaalada Pudabest dib loo dhigay, illaa waqti aan la cayimin.
Trump oo Wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa Oval ee Aqalka Cad ayaa Putin ku dhaliilay in aysan si dhab ah uga go’neyn nabadda.
Trump ayaa sheegaya in ay rajo ka qabaan in cunaqabateynta ka dhanka ah shirkadaha saliidda iyo gaaska ee Ruushka ay is bedel keeni karto.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa bogaadiyay tallaabada Maamulka Donald Trump ee cadaadiska dheeraadka ah lagu saarayo Hoggaamiyaha Ruushka.
Trump ayaa sagaalkii bilood ee xafiiska uu joogay dabacsanaan u muujinayay Putin, wuxuuna hoos u dhigay amaba uu hakiyay kaalmadii militari ee Dowladdii Madaxweyne Joe Biden ay siineysay Kyiv.
Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada ee bishii November ku ololeynayay in uu si dhakhsa ah u soo afjari doono dagaalka Ukraine.