Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa mar kale waxay Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari ku soo bandhigeen meydadka xubno ay sheegeen in dagaalka halkaasi ka socdo lagaga dilay maleeshiyada Daacish.
Ciidamada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xoojiyay dagaalka ay ku hayaan maleeshiyada Daacish, si lagaga ciribtiro goobaha ay kaga sugan yihiin deegaanada Puntland.
Ciidamada ayaa dagaal-yahanada Daacish ku weeraraya fariisimahooda ugu dambeeya iyo xitaa godadka ay isku qarinayaan, oo aad arki karto in aysan uga daba hareynin.
Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa bishii 10aad oo xiriir ah dagaal kula jira Daacishta Somaliya, oo muddo toban ah ka hawlgaleysay Gobolka Bari.
Ciidanka Puntland ayaa ku guuleystay muddadii ay la dagaalamayeen maleeshiyadaasi inay ka saaraan aagagga bariga iyo bartamaha ee Buuraleyda Calmiskaad, iyagoona muddooyinkan kula dagaalamayay qaybaha galbeedka ee Calmiskaad.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo Sabtidii furay Kalfahigga 57aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ciidamadu ay baacsanayaan firxadkii ugu dambeeyay ee argagixisada Daacish.
Madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqay in Puntland ay soo afjartay dagaalka xooggiisa, hawlgalka haatan socdana uu yahay mid haraadiga Daacish looga sifeynayo Calmiskaad.
“Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay burburiyaan dhammaan awoodihii cadowga, waxaana maanta halkan kaga dhawaaqayaa in dagaalkaas lagu guuleystay, lana afjaray, marka laga reebo tiro yar oo firxad ah oo ku dhuumaaleysanaya Togga Baalade, iyadoo aan rajeynayo in maalmaha soo socda la soo afjari doono.” Ayuu yiri Deni oo shalay Xildhibanada kula hadlayay Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe.
Ciidanka Puntland ayaa lagu amaanay inay si weyn u wiiqeen Daacishta Somaliya oo Gobolka Bari mooyee aan dalka intiisa kale wax saldhig ah ku lahayn, isla-markaana ay meesha ka saareen ku dhawaad dhammaanba khatarteedii argagixiso.
Cadaadiska joogtada ah ee ciidamada ayaa Daacish ka hor istaagtay fursadihii ay dib isaga soo abaabuli kartay.