Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta qalab Warbaahineed ka guddoomay Safiirka Turkiga ee dalka, Danjire Alper Aktaş, ka dib munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Qalabkan oo lagu sheegay mid casri ah ayaa isugu jira kaamirooyinka digitalka ee kuwoodii ugu dambeeyay iyo weliba qalab kale oo si toos ah loogu tebin karo barnaamijyada.
Tani ayaa la sheegay mid qayb ka ah heshiis horey u dhex maray labada dowladood, isla-markaana lagu horumarinayo Warbaahinta Qaranka.
Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah Turkiga ee TIKA oo ka wakiil ahayd fulinta heshiiskaasi ayaa waxaa munaasabadda oo ka dhacday Xarunta TIKA ee Muqdisho goobjoog ka ahaa Madaxa TIKA ee Somaliya, Zafer Eski.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageeradeeda ku aaddan horumarinta Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay taageeradan uga faa’iideysan doonto qorsheyaasheeda qaran ee la xiriira xoojinta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo doorashada sanadka soo socda lagu wado inay dalka ka qabsoomto.
Xiriirka labada dowladood ayaa aad u xoogeysanayay, dhowr iyo tobankii sano ee u dambeysay.
Turkiga waxaa lagu tilmaamaa saaxiib muhiim ah oo maanta ay Somaliya leedahay, isagoona si joogta ah dowladda uu fadhigeedu yahay Muqdisho uga caawiya dowlad dhiska, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida & qalabayntooda iyo weliba dhinacyada kale ee amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
