Home Dhacdooyin Ciidamada RSF oo soo xiray sarkaalka dadka ku laayay Magaalada El-Fasher

Ciidamada RSF oo soo xiray sarkaalka dadka ku laayay Magaalada El-Fasher

by Laacib

Xoogaga Gurmadka Degdegga ee RSF ayaa xabsiga u taxaabay sarkaal lagu magacaabo General Al Fateh Abdullah Idris oo loo yaqaano (Abu Lulu), kaas oo qabsaday barraha bulshada iyo Warbaahinta caalamiga ah.

Barraha bulshada ayaa waxaa ku baahay muuqaal uu ka soo muuqday ninkan, isagoo dad aan hubeysneyn ku dilaya duleedka Magaalada El-Fasher ee Xarunta Gobolka Darfur.

Ninkan ayaa Isniintii ku faanay in tirada dadka uu dilay ay kor u dhaafayaan laba kun oo qof oo dadka reer El-Fasher ah.

Xoogaga RSF ee dagaalka kula jira Militariga Suudaan ayaa lagu eedeeyay in ay dad fara-badan ku dileen magaaladaasi, tan iyo markii ay la wareegeen Axaddii.

General Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), Hoggaamiyaha Xoogaga RSF ayaa ballanqaaday in baaritaan lagu samayn doono eedeymaha ka dhanka ah ciidamadiisa, ka dib carro caalami ah oo ka dhalatay dil wareedyo la sheegay inay ka gaysteen magaaladan.

Hoggaamiyaha ayaa qiray in ciidamadiisu ay gaysteen xadgudubyo qaar, balse waxa uu beeniyay in ay dad rayid ah laayeen, laakiin la baari doono sida uu yiri waxa ka jira eedeymahaasi.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres iyo Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa cambaareeyay wararka sheegaya in Xoogaga RSF ay 400 oo qof oo kale ku dileen isbitaal ku yaala magaalada.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa warineysa in 400 qof oo ay ku jiraan shaqaale caafimaad iyo bukaano lagu dhex dilay mid ka mid ah isbitaalada magaalada.

Afhayeen u hadlay RSF ayaa beeniyay eedeymaha dheeraadka ah ee loo soo jeediyay ciidamadooda, isagoona sheegay in shacabku ay ka wada barakaceen magaalada, ka hor inta aysan qabsan.

RSF ayaa si is daba joog ah u beenineysa wararka isa soo taraya ee ku aaddan in Ciidamada Carabta ay si isir sifayn ah u beegsadaan dad aan Carabta ahayn.

RSF waa ciidan u badan dagaal-yahanada Carabta ee Darfur, waxayna ka aasaasmeen maleeshiyaadkii Janjaweed ee ka masuulka ahaa dilalkii baahsanaa ee 20 sano ka hor Gobolka Darfur loogu gaystay dadka aan asalka Carabta ahayn.

General Hemedti, Hoggaamiyaha RSF ayaase sheegay in guddi baaritaan oo soo gaaray magaalada ay baaritaan ku samayn doonaan, waxa ka jira in xadgudubyo waaweyn lagu la kacay dadka reer El-Fasher.

Madaxa Arrimaha Bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobey, Tom Fletcher ayaa hoos u dhigay kalsoonida lagu qabi karo warka jananka xukuma RSF ee ku saabsan inay ilaalin doonaan dadka rayidka ah.

Dunida ayaa walaac xoog leh ka muujineysa dhacdooyinka naxdinta leh ee isa soo taraya ee laga soo sheegayo Magaalada El-Fasher iyo daafaheeda.

Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah Al Burhan iyo Kuxigeenkiisii hore General Hemedti ayaa sanadkii saddexaad ku dagaalamaya awoodda dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc