Ciidanka Midowga Afrika ee Hawlgalka AUSSOM ayaa roondo ka sameeyay waddada isku xirto Magaalada Jowhar iyo Buurane ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada oo Jimcihii ka dhaqaaqay Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee duleedka Jowhar ayaa gaaray deegaanka Buurane, oo qiyaastii 23km jihada waqooyi uga beegan Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.
Taliska AUSSOM ayaa war uu Sabtidan soo saaray ku sheegay in ciidamadu ay tani ku xoojinayaan xiriirka ay la leeyihiin bulshada deegaanka iyo qiimeynta ammaanka Hirshabelle.
“Dhaqdhaqaaqa waddada ayaa ahaa mid caadi ah, iyadoo aan la soo sheegin wax dhibaato ah oo dhanka ammaanka ah, taasoo u ogolaaneysa dadka deegaanka inay si aan kala joogsi lahayn u wataan howlahooda.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay “Maamulka deegaanka ayaa ku amaanay roondooyinka kor loogu qaadayo xasilloonida, laguna xoojinayo kalsoonida shacabka ee gobolka.”
Hawlgalka AUSSOM ayaa baahiyay sawirro muujinaya ciidamada oo ku lugeynaya waddada laamiga ee xiriirisa Jowhar iyo Buurane.
Buurane waxay ka mid tahay goobaha laga ilaaliyo amniga Jowhar, halkaas oo saldhig weyn ay ku leeyihiin Militariga Burundi.
