Home Dhacdooyin Nin oday ahaa oo si naxariis darro ah loogu dilay duleedka Degmada Wanlaweyn

Nin oday ahaa oo si naxariis darro ah loogu dilay duleedka Degmada Wanlaweyn

by Laacib

Wararka ka imanaya Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Jimcihii duleedka degmadaasi ku dileen nin da’ ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay garaaceen ninkaasi oo sida la sheegay dhimirka ka xanuunsanaa, ka hor inta aysan nolosha ku gubin.

Muuqaal maanta ku baahay barraha bulshada ayaa muujinaya kooxahaasi oo si xun ugu tacadinaya ninka odayga ah, waxayna dadka deegaanku sheegeen in dhacdadan ay ka dhacday tuulada Dudumaaye oo hoostagta Wanlaweyn.

Muuqaalka ayaa laga arki karay kooxahan oo haween iyo carruur ay la joogaan oo ulal iyo dhegxaan la dhacaya ninkaasi, iyadoona muuqaalka ay duubayeen dad ka tirsanaa, kuwii falkaasi gaysanayay.

Qaybaha dhexe ee muuqaalka ayaa waxaa ka soo muuqday ninka odayga ah oo garba duub loo xiray, isla-markaana dhulka jiifa.

Muuqaalka oo intiisa dambe uu yahay meesha ugu argagaxa badan ayaa laga daawaday odayga oo ku gubanaya wax u eg dab lagu shiday, illaa jirkiisu uu isu bedelay sida dhuxusha madow ee la shito oo kale.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dilka dhibanaha uu salka ku hayo dilalka aanooyinka beelaha ee labadii sano ee la soo dhaafay ka dhacayay, inta u dhaxeyso Wanlaweyn iyo deegaanka Yaaq-bariweyne.

Dad badani ayaa isweydiinaya, sida uu nin oday ah oo dhimirka la’ uu ku muteysan karo ciqaab intaasi le’eg, bedelkii ay ahayd in daryeel bani’aadantinimo oo uu u baahnaa loo sameeyo.

Dadku waxay cabsi ka muujinayaan in falkan uu uga sii darro isku dhacyada beelaha ee ku soo noqnoqday deegaanada hoostaga Wanlaweyn.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan argagaxa leh ee laga soo wariyay Gobolka Shabellaha Hoose.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc