Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Burcad Badeedda.
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa 26-kii bishii October ee sanadkii 2023 ansixiyay dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La dagaalanka Burcad Badeedda iyo Ka hortagga Afduubka ee Sharci Lambar 36 ee la meelmariyay ama soo baxay 30-kii bishii April ee sanadkii 1975-kii.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hindisaha la horkeenay ee lagu la dagaalamayo kooxaha burcad badeedda.
Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in kooramka uu ku furmay 140 Xildhibaan, isla-markaana ay dhammaantood haa ugu codeeyeen wax ka bedelka lagu sameeyay Sharciga La dagaalanka Burcad Badeedda.
Ma jirin Xildhibaan ka aamusay ama mid kale oo diiday, sida uu sheegay Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada codeynta.
Tani ayaa imaneysa, xilli ay kordhayaan weerarada ay gaysanayaan kooxaha burcad badeedda Soomaalida.
Kooxahan ayaa Khamiistii oo ugu dambeysay waxay xoog ku fuuleen markab shidaal waday oo marayay xeebaha dalka, inkastoo maalintii xigtay kooxahaasi laga badbaadiyay markabka iyo 24 shaqaale oo la socday.
Weerarkan ayaa sare u qaaday walaaca caalamiga ah ee laga muujinayo kororka weerarada kooxaha burcad badeedda.
Weerarada kooxaha burcad badeedda ayaad mooddaa in ay dib u soo laba kacleeyeen, muddadii ay Xuutiyiinta Yemen weerarayeen maraakiibta ku gooshaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
