Home Wararka Maanta Ciidamada oo gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah kooxihii sida naxariis darrada odayga u dilay

Ciidamada oo gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah kooxihii sida naxariis darrada odayga u dilay

by Laacib

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa caawa ku dhawaaqay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka mid ah kooxihii sida naxariis darrada ah ninka odayga ah ugu dilay tuulada Dudumaaye oo hoostagta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxahan oo maleeshiyaad qabaa’il oo deegaanka ah ayaa Jimcihii gacanta ku dhigay odayga oo la sheegay inuu dhimirka ka xanuunsanaa, iyagoona iska soo duubay muuqaal ay si xun ugu jirdilayeen, ka hor inta aysan dab qabad siinin. Kooxahan ayaana la sheegay inay aano qabiil u dileen ninkaasi da’da ahaa.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in laamaha amniga ee Degmada Wanlaweyn oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ay gacanta ku soo dhigeen saddex eedeysane, oo sida uu sheegay lagu tuhunsan yahay in ay qayb ka ahaayeen dilkii foosha xumaa ee muwaadinkaasi loogu gaystay Dudumaaye.

“Runtii waan u mahadcelinaynaa ciidamada amniga iyo Maamulka Degmada Wanlaweyn oo shaqooyin adag qabtay, markii fal dembiyeedkaasi la gaystay ka dib, iyagoo muujiyay iskaashi, wadajir iyo in nimanka dembiileyaasha ah aysan fursad u siinin ay ku baxsadaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo ka garab hadlayay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa rajo ka muujiyay in xubnaha kale ee maqan gacanta lagu soo dhigi doono.

“Qaarka kale ee maqan, Insha’Allah waxaan rajeynaya in ciidamada ay soo qaban doonaan.” Ayuu yiri Ibraahim Aadan Cali, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

“Waxaan rabnaa inaan baaq u dirno si guud ahaan shacabka ku nool nawaaxigaas inay la shaqeeyaan ciidamada, aysan fursad siinin cadowgaas nooc walba oo uu yahay, kuwa ku gambanaya magaca qabiilka ee muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda iyo deegaanadooda ku nool ee dhibaateynaayana aanan fursad gabaad la siinin.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiye Najax ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka beelaha ee caadeystay dilka muwaadiniinta ay la mid yihiin kooxaha argagixisada.

“Waxay la mid yihiin cadowga kale ee dalkan kala dagaalamayno ee Khawaarijta ah.” Ayuu yiri Najax oo carabka ku adkeeyay baaqiisa shacabka uu ugu jeedinayay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si iskaashi looga yeesho ka hortagga dilalka ay maleeshiyada qabaa’ilada gaysanayaan.

“Annagana ka maamul ahaan waxaan ballanqaadaynaa inaan ciidamada la shaqayno, deegaanadaas in nabad lagu soo celiyo, kuwa falal dembiyeedyada ka gaysanaayana meeshaas gacan bir ah in lagu qabto.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha oo fasax siiyay ciidamada ayaa yiri “Ciidamada waxaan rabaa inaan ugu baaqo inay gacan ku haynta amniga deegaanadaasi ku soo celiyaan gacanta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Kuwa maleeshiyaadka isku sheega ee magacyada kala duwan isticmaala, marna u carara dhinaca meelaha ay Khawaarijta gacanta ku hayso, marna duurka wareega ee magaca qabiilka hubka iyo gabaadka ka dhigtay ee ummadda Soomaaliyeed dilkooda iyo dhibaateentooda ka shaqeynaya gacan bir ah inay ku qabtaan fasax ayay u yihiin iyo in nimankaas tallaabo cad laga qaado, si badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed loo xaqiijiyo, haddii Alle idmo.”

Najax ayaa siyaasiyiinta deegaanka, culimada iyo aqoonyahanada ugu baaqay inay u istaagaan nabadeynta beelaha walaalaha ah ee halkaasi wada degan, isla-markana ay joojiyaan farriimaha ay ku hurinayaan colaadaha, ciidamada iyo maamulkana ay kala shaqeeyaan in la kala badbaadiyo.

“Taas ayaan annaga oo dhan waajibaadka na saaran ee aan ku dhaaranay ah dhammaanteen. Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.” Ayuu yiri Najax oo hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay “Nimankaasi la soo qabtay waxaa la horkeeni doonnaa caddaaladda, waxaana Insha’Allah kiiskooda la wareegi doona Hay’adaha Garsoorka ee Ciidamada Qalabka Sida ee ku shaqada leh.”

Ciidamada Militariga ee degan Xerada Ballidoogle oo kaashanaa Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska ka hawlgala Degmada Wanlaweyn ayaa saacadihii ugu dambeeyay hawlgal ka sameeyay tuulada Dudumaaye, ka dib markii ay laba jiho uga soo dhaqaaqeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc