Nin ayaa maanta isku qarxiyay afaafka hore ee Xarunta Maxkamadda Degmada ee Magaalada Islamabad, sida ay sheegeen masuuliyiinta Pakistan.
Ismiidaamiyaha oo watay walxaha qarxa ayaa ku guuldareystay in uu gudaha u galo Dhismaha Maxkamadda, oo dadku ay aad ugu badan yihiin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi ayaa sheegay in ninkaasi uu doonayay in uu weerarka ka fuliyo gudaha maxkamadda, ha yeeshee aanay u suurtagelin.
Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in ismiidaamiyuhu uu markii dambe isku qarxiyay bannaanka hore ee Xarunta Maxkamadda Islamabad.
“Ninka weerarka gaystay ayaa isku dayay inuu galo Xarunta Maxkamadda, laakiin wuu ku guuldareystay, dabadeed wuxuu isku qarxiyay meel u dhow gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska oo yaalay afaafka hore ee maxkamadda.” Ayuu yiri Wasiirka.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay meel u dhow mid ka mid ah albaabada laga galo maxkamadda, xilli ay goobta ku sugnaayeen dad aad u fara-badan.
Saraakiisha Pakistan ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 12 qof ay ku dhinteen weerarkaasi, 27 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ilaha caafimaadka ee magaalada ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan kuwo ay xaaladdoodu culus tahay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan ayaa masuuliyadda weerarkan dusha kaga tuuray India iyo Afghanistan, oo muddooyinkan xiriirkooda hagaajinayay.
Weerarkan ayaa imanaya saacado uun ka dib, markii Ciidamada Pakistan ay sheegeen inay fashiliyeen isku day ay kooxo hubeysan ku doonayeen inay arday kaga qafaasheen kulliyad ay ciidamadu maamulaan oo ku taala Magaalada Wana ee Gobolka Khyber Pakhtunkhwa, kuna dhow xuduudda Afghanistan.
Shehbaz Sharif, Raysal Wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in labadan weerar ay tusaale xun u yihiin ficilada argagixisada India ee gobolka, isagoo aan wax caddeyn ah soo bandhigin.
Xalay ayay ahayd, markii qarax baabuur oo dad ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay Magaalada New Delhi. Saraakiisha India ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qaraxaasi ay gaartay 13 qof, 20 kalena ay ku dhaawacmeen.
India iyo Pakistan ayaa midba midka kale u arka cadowgiisa ugu weyn ee gobolka. Labada dal oo horey hal dal isugu ahaa ayaa leh taariikh dagaal.
