Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Warbaahinta Madaxabannaan, iyadoona uu kulanku ahaa mid ay isaga xogwareysanayeen xaaladda dalka iyo doorka ay Warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada.
Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ku magacaaban Afhayeenka Madaxweynihii 9aad ee dalka ayaa sheegay in Ex Madaxweyne Farmaajo uu Agaasimeyaasha u sheegay in Warbaahinta xorta ah ay door weyn ku leedahay xoojinta kalsoonida shacabka ee dowladnimada, ilaalinta isla xisaabtanka iyo dhiirigelinta nabadda.
“Madaxweynaha ayaa xusay in Warbaahinta Madaxbannaan ay door weyn ku leeyihiin xoojinta kalsoonida shacabka ee dowladnimada, ilaalinta isla xisaabtanka iyo dhiirigelinta nabadda.” Ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.
Cabdirashiid Maxamed ayaa sidoo kale qoraalkan oo Warbaahinta loo qaybiyay ku sheegay “Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in ay mudnaan gaar ah leedahay marxaladdan adag in laga shaqeeyo xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka, oo ay aasaas u tahay qabsoomidda doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda iyo ilaalinta shuruucda iyo dastuurka heshiiska lagu yahay.”
Farmaajo oo 13-kii bishan ku soo laabtay dalka, ka dib saddex sano iyo dheeraad oo uu ka maqnaa ayaa Muqdisho ka wado kulamo uu ku xoojinayo dadaalada gudaha ee xalka loogu raadinayo in la dhameeyo khilaafka masiiriga ah ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ku aaddan doorashada dalka, isla-markaana ka dhashay wax ka bedelki 30-kii bishii March ee sanadkii 2024 lagu sameeyay afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG.
Imanshaha Farmaajo ee dalka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay billo yar ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, welina aan heshiis lagu ahayn nooca doorasho ee dalka laga qabanayo sanadka 2026.
Farmaajo ayaa illaa iyo hadda u dhaqmayo, si ka madaxbannaan Siyaasiyiinta Mucaaradka, walow uu mab’da ahaan qayb ka yahay Xubnaha Mucaaradka ee Dowladda Federaalka.
Farmaajo ayaa waxaa laga yaabaa in billaha soo socda uu ka horyimaado qorshaha Villa Somalia ay dalka ku gaarsiineyso doorashada tooska ah, si la mid ah Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka kuwooda ugu saamaynta badan, oo ka biyo diidan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada soo socota.
