Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa caawa sheegay inaysan dalkooda u dooneyn Soomaalida, sida sharci darrada ah ku imaaneysa, isagoo u sababeynaya kuwii horey u joogay oo aan waxba ku soo kordhin dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in dalka ay sii joogaan Soomaalida aan haysan sharciga deganaanshaha ee dalkaasi, isagoona ku tilmaamay kuwo qashin ah.
Madaxweynaha ayaa sheegaya in Soomaalidii horey dalka u joogtay ay noqdeen kuwo ku tiirsan taakulada dowladda ay siiso bulshada jilicsan, intooda badana aysan wax muuqdo oo la taaban karo ku soo kordhin dalka.
“Ma doonayno inay dalkayaga joogaan, sababtoo ah waxba ma soo kordhiyaan, waa qashin.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo hadlayay, ka dib kulan uu la yeeshay Golihiisa Wasiirada.
Waxa uu sheegay in Soomaalidu ay dalkooda uga soo tagayaan, iyagoo og in uusan u wanaagsaneyn.
“Dalkiinu wuu urayaa, uma rabno inay dalkayaga joogaan.” Ayuu yiri Trump oo maalmihii u dambeeyay kordhiyay hadaladiisa xanafta leh ee uu ku weerarayo Soomaalida.
Hadalka Trump ayaa ku soo aadaya maalmo ka dib, markii maamulkiisu uu ku dhawaaqay inay joojinayaan go’aanada dib u dejinta, ka dib toogashadii toddobaadkii hore ka dhacday meel aan ka fogeyn Aqalka Cad ee Mareykanka.
Inkastoo toogashadaasi uu gaystay nin sanadkii 2021 ka yimid dalka Afghanistan, haddana Trump ayaa dadka ka imanaya, sida dal Somaliya oo kale ah ku sifeynaya kuwo dhiig gacmaha ku wata.
“Kuwani waa dad aan waxba qaban, laakiin cabanaya. Waxay ka cabanayaan meeshii ay ka yimaadeen iyo waxba ma helin.” Ayuu yiri Trump.
“Marka ay cadaabta ka yimaadaan oo ay cawdaan ‘la soo dhaweeyo’, ma sameeyaan wax aan qaniinyo ahayn.” Ayuu yiri Trump oo intaa raaciyay “Uma rabno dalkeenna, haku laabtaan meeshii ay ka yimaadeen oo ha hagaajiyaan.”
Trump ayaa Xildhibaan Ilhaan Cumar ku tilmaamay qashin, isagoona yiri “Waddo khaldan ayaan mari doonnaa, haddii aan qashinka dalkeenna ku sii wadno.”
Aflagaadadan uu Trump u gaysanayo Soomaalida, isagoo ka dhex arka gabadha Congress-ka Mareykanka ka tirsan ayaa ah wax aad looga naxo in bulsho dhan uu sumcad xumeeyo.
Maamulka Trump ayaa hadda wado qorshe lagu beegsanayo muhaajiriinta Soomaalida ee ku sugan Gobolka Minnesota.
Wargeyska The New York Times ayaa Talaadadan daabacay in hawlgalkan laga samayn doono magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo Saint Paul.
Wargeyska ayaa sheegay in magaalooyinkan ay ku badan yihiin Soomaalida Mareykanka lagu arki doono hawlgal ballaaran oo Soomaalida lagu qabqabanayo, isla-markaana lagu raafaayo dadka Soomaalida ah ee haysta amarkii ugu dambeeyay ee masaafurinta.
Wakaaladda Wararka AP ayaa sidoo kale tebisay in uu jiri doono hawlgalka dib dalkoodu loogu celinayo Soomaalida bilaa sharciga ah.
Ma cadda tirada Soomaalida ee bilaa sharciga ah ee ku sugan magaalooyinkaasi, balse waxaa la qiyaasaya in tiradoodu ay badan tahay.
